Sunday, March 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciraaq: Qunsuliyadda Iiraan ee magaalada Basra oo la gubey

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ciraaq: Qunsuliyadda Iiraan ee magaalada Basra oo la gubey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dibad baxyaal Ciraaqiyiin ah ayaa dab qabadsiiyay Qunsuliyadda Iran ee ku taala magaalada Basra ee koofurta wadankaas, xilli ay xoogeysteen banaan baxyada looga soo hor jeedo musuq maasuqa iyo la’aanta adeegyada aas aasiga ah ee bulshada.

Tiro aad u badan oo banaan baxyaasha ah ayaa isugu soo aruurey waddooyinka magaalada ay ku badan yihiin Shiicada Ciraaq, kuwaas oo ku qeylinayay ereyo ka dhan ah faragelinta dowladda Iran ee siyaasadda wadanka Ciraaq.

Related posts

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

March 7, 2026

Mudadii banaan baxyada hal qof ayaa dhintay 11 kalena waa la dhaawacay markii ciidanka amniga iyo dibad baxyaasha fara isula tageen.

Jimcihii ayay u aheyd maalintii shanaad oo magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Ciraaq  ee Basra ay ka dhacayeen bannaan baxyo rabshado wata, ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay shantaas beri.

Mas’uuliyiinta magaalada ayaa ku dhawaaqay bandow xilliga habeenkii ah magaalada Basra.

Iran, ayaa si weyn saameyn ugu leh guud ahaan gobolka Bariga dhexe gaar ahaan wadanka Ciraaq oo Shiicada ay yihiin kuwa ugu badan wadanka, kuwaas oo awooda wadanka heystay tan iyo Sadam Xuseen.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Bahram Qassemi,  ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday Qunsuliyadooda Basra.

Warbaahinta wadanka Iiraan ayaa soo warisay in dhammaan shaqaalaha laga saaray xarunta ka hor inta aan la soo weerarin.

Khamiistii, banaan baxyaasha waxaa ay sidoo kale gubeen xarumaha dowladda hoose ee magaalada Basra, oo ay ku jiraan xafiisyada siyaasiyiinta iyo dekada ugu weyn wadanka Ciraaq ee magaalada Basra.

Ra’isul wasaaraha dalka Ciraaq Haydar Al Cabaadi ayaa jimcihii sheegay in si deg deg ah loo sii deyn doono dhaqaalaha lagu kabayo adeegyada bulshada magaalada Basra.

Hoggaamiyaha Shiicada Ciraaq ugu sareeya, Ayatollah Ali Sistani, ayaa ku eedeeyay rabshadahan in ay ka dambeeyaan dad uu ku tilmaamay in ay dowladda ku cusubyihiin si ka duwan maamulkii hore.

Bannaan baxyada magaalada Basra ayaa bilowday markii la waayay shaqooyin, korontada iyo biyo nadiif ah isla markaana boqolaal ruux xarumaha caafimaadka la dhigay markii  biyo wasakheysan cabbeen.

Dadka deegaanka ayaa dowladda ku eedeeyay musuq maasuq iyo wax qabad la’aan burburka dhammaan kaabiyaasha wax soo saarka shidaalka wadanka Ciraaq oo qani ku ah saliida.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Next Post

Eng. Yarisow “Dalxiisku waa farriin ku wajahan argagixisada doonaysa in ay niyad jabiyeen shacabkeenna” +Sawirro

Next Post
Eng. Yarisow “Dalxiisku waa farriin ku wajahan argagixisada doonaysa in ay niyad jabiyeen shacabkeenna” +Sawirro

Eng. Yarisow “Dalxiisku waa farriin ku wajahan argagixisada doonaysa in ay niyad jabiyeen shacabkeenna" +Sawirro

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

March 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga qayb galay, magaalada Arusha ee dalka Tanzania, Meertada 25-aad ee...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

March 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa galabta magaalada Muqdisho si ramsi...

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

March 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahin Maxamed Maxamuud oo ay wehliyaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In