Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciraaq: Qunsuliyadda Iiraan ee magaalada Basra oo la gubey

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ciraaq: Qunsuliyadda Iiraan ee magaalada Basra oo la gubey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dibad baxyaal Ciraaqiyiin ah ayaa dab qabadsiiyay Qunsuliyadda Iran ee ku taala magaalada Basra ee koofurta wadankaas, xilli ay xoogeysteen banaan baxyada looga soo hor jeedo musuq maasuqa iyo la’aanta adeegyada aas aasiga ah ee bulshada.

Tiro aad u badan oo banaan baxyaasha ah ayaa isugu soo aruurey waddooyinka magaalada ay ku badan yihiin Shiicada Ciraaq, kuwaas oo ku qeylinayay ereyo ka dhan ah faragelinta dowladda Iran ee siyaasadda wadanka Ciraaq.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

Mudadii banaan baxyada hal qof ayaa dhintay 11 kalena waa la dhaawacay markii ciidanka amniga iyo dibad baxyaasha fara isula tageen.

Jimcihii ayay u aheyd maalintii shanaad oo magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Ciraaqย  ee Basra ay ka dhacayeen bannaan baxyo rabshado wata, ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay shantaas beri.

Mas’uuliyiinta magaalada ayaa ku dhawaaqay bandow xilliga habeenkii ah magaalada Basra.

Iran, ayaa si weyn saameyn ugu leh guud ahaan gobolka Bariga dhexe gaar ahaan wadanka Ciraaq oo Shiicada ay yihiin kuwa ugu badan wadanka, kuwaas oo awooda wadanka heystay tan iyo Sadam Xuseen.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Bahram Qassemi,ย  ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday Qunsuliyadooda Basra.

Warbaahinta wadanka Iiraan ayaa soo warisay in dhammaan shaqaalaha laga saaray xarunta ka hor inta aan la soo weerarin.

Khamiistii, banaan baxyaasha waxaa ay sidoo kale gubeen xarumaha dowladda hoose ee magaalada Basra, oo ay ku jiraan xafiisyada siyaasiyiinta iyo dekada ugu weyn wadanka Ciraaq ee magaalada Basra.

Ra’isul wasaaraha dalka Ciraaq Haydar Al Cabaadi ayaa jimcihii sheegay in si deg deg ah loo sii deyn doono dhaqaalaha lagu kabayo adeegyada bulshada magaalada Basra.

Hoggaamiyaha Shiicada Ciraaq ugu sareeya, Ayatollah Ali Sistani, ayaa ku eedeeyay rabshadahan in ay ka dambeeyaan dad uu ku tilmaamay in ay dowladda ku cusubyihiin si ka duwan maamulkii hore.

Bannaan baxyada magaalada Basra ayaa bilowday markii la waayay shaqooyin, korontada iyo biyo nadiif ah isla markaana boqolaal ruux xarumaha caafimaadka la dhigay markiiย  biyo wasakheysan cabbeen.

Dadka deegaanka ayaa dowladda ku eedeeyay musuq maasuq iyo wax qabad la’aan burburka dhammaan kaabiyaasha wax soo saarka shidaalka wadanka Ciraaq oo qani ku ah saliida.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Next Post

Eng. Yarisow โ€œDalxiisku waa farriin ku wajahan argagixisada doonaysa in ay niyad jabiyeen shacabkeenna” +Sawirro

Next Post
Eng. Yarisow โ€œDalxiisku waa farriin ku wajahan argagixisada doonaysa in ay niyad jabiyeen shacabkeenna” +Sawirro

Eng. Yarisow โ€œDalxiisku waa farriin ku wajahan argagixisada doonaysa in ay niyad jabiyeen shacabkeenna" +Sawirro

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In