Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo Ku Guuleystay Abaal Marinta FIFA Ballon d’Or “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo Ku Guuleystay Abaal Marinta FIFA Ballon d’Or “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaadabad balaaran oo caawo lagu qabtay magaalada Zurich ayaa lagu bixiyay abaal marrino kala duwan oo qalai ah.

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo weerarka uga ciyaara xulka Portugal iyo kooxda Real Madrid ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah ku guuleystay abaal marinta ciyaaryahankii sanadkii la soo dhaafay ee 2014-ka ugu wanaasanaa aduunka ee FIFA Ballon d’Or.
CristCrisRonaldoCrissRona don
Cris ron

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Ciyaaryahan Ronaldo oo 29-jir ah ayaa waxaa abaal marintan kula tartamayay ciyaaryahan Lionel Messi oo weerarka uga ciyaarta xulka Argentina iyo kooxda Barcelona iyo Manuel Neuer oo ah gool-hayaha xulka Germany iyo kooxda Bayern Munich.

Ciyaaryahan Ronaldo ayaa sanadkii la soo dhaafay afar koob oo kala ah Copa del Rey, Champions League, UEFA Super Cup iyo Fifa Club World Cup kula guuleystay kooxda Real Madrid,waxana uu dhaliyay 56-gool 51-kulan oo uu ciyaaray.

Ciyaaryahan Lionel Messi oo 27-jir ah ayaa sanadkii la soo dhaafay kooxdiisa Barcelona u dhaliyay 50-gool 52-kulan oo uu u ciyaaray.

Gool-haye Manuel Neuer oo 28-jir ah ayaa sanadkii la soo dhaafay xulka Germany kula guuleystay koobkii aduunka,isagoo sidoo kale kooxda Bayern Munich la qaaday horyaalka Jarmalka ee Bundesliga.

Waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay kooxda ugu wanaagsan aduunka,waxana ka mid ahaa ciyaartoyda kala ah.
Manuel Neuer (Bayern Munich/Germany), Philipp Lahm (Bayern Munich/Germany), Thiago Silva (Paris Saint-Germain/Brazil), David Luiz (Chelsea/Paris Saint-Germain/Brazil), Sergio Ramos (Real Madrid/Spain), Angel Di Maria (Real Madrid/Manchester United/Argentina), Toni Kroos (Bayern Munich/Real Madrid/Germany), Andres Iniesta (Barcelona/Spain), Cristiano Ronaldo (Real Madrid/Portugal), Lionel Messi (Barcelona/Argentina), Arjen Robben (Bayern Munich/Netherlands).
Fifa

Fifaaa
Ciyaaryahan James Rodriguez oo weerarka uga ciyaara xulka Colombia iyo kooxda Real Madrid ayaa ku guuleystay abaal marinta Puskas Award oo ah goolkii ugu wanaagsanaa sanadkii la soo dhaafay,waxana uu ahaa gool uu koobkii aduunka ka dhaliyay xulka Uruguay.
JamessJamesJ celee
Ciyaaryahan James Rodriguez ayaa waxaa abaal marinta kula tartamayay ciyaaryahanada kala ah Stephanie Roche oo ah gabar u dhalatay dalka Ireland iyo Robin van Persie oo u dhashay dalka Holland.

Tababaraha xulka qaranka Germany Joachim Low oo sanadkii la soo dhaafay koobkii aduunka u qaaday xulkiisa ayaa ku guuleystay abaal marinta tababarihii caalamka ugu wanaagsanaa sanadkii la soo dhaafay.
Low

Tababare Low ayaa waxaa abaal marintan kula tartamayay tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti iyo tababaraha kooxda Atletico Madrid Diego Simeone.
CarloDiego

Ciyaaryahanad Nadine Kessler ayaa ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahanadii caalamka ugu wanaagsaneed sanadkii dhaafay.
GabarNadine
Nadine Kessler ayaa waxaa abaal marintan kula tartamayay Marta oo u dhalatay dalka Brazil iyo Abby Wambach oo u dhalatay dalka Mareykanka.
Marta

Tababare Ralf Kellermann oo tababare u ah kooxda haweenka ee VfL Wolfsburg ayaa ku guuleystay tababarihii ugu wanaagsanaa dhanka naadiyada haweenka.
Ralf

Tababare Ralf Kellermann ayaa waxaa abaal marintan kula tartamayay Maren Meinert oo tababare u ah xulka Germany oo da’doodu ay ka yartahay 19-jirada iyo tababraha xulka haweenka Japan ee Norio Sasaki.

Previous Post

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Beeraha oo beeniyay warar sheegayay in uu xilka iska casilay “Dhageyso”

Next Post

Shir balaaran oo Qurba-jooga Soomaaliyeed uga furmay magaalada Kigali ee dalka Rwanda (Sawirro)

Next Post
Shir balaaran oo Qurba-jooga Soomaaliyeed uga furmay magaalada Kigali ee dalka Rwanda (Sawirro)

Shir balaaran oo Qurba-jooga Soomaaliyeed uga furmay magaalada Kigali ee dalka Rwanda (Sawirro)

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

February 3, 2026
0

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa toogasho lagu fuliyey Hodan Maxamuud Diiriye oo  Maxkamad ku taalla Puntland ay dil toogasho ah horay...

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

February 3, 2026
0

Duqeyn culus ayaa saacadihii dambe ee xalay lagu beegsaday Khawaari muddooyinkii dambe godad ka qodanayay deegaanka Geedi-xeyr oo Waqooyi kaga...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In