Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Coronavirus oo kar-kaarada jebsanaya, dad hor leh oo u dhimanaya ama qaadaya daqiiqadiiba !

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Coronavirus oo kar-kaarada jebsanaya, dad hor leh oo u dhimanaya ama qaadaya daqiiqadiiba !
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cudurka Corona-virus (COVID-19) ayaa aad uga sii fidaya dunida oo dhan, si gaara ah, Mareykanka iyo Yurub marka laga soo tago dalka Shiinaha oo ahaa meesha uu cudurkan ka soo bilowday, waxaana  dadka cudurkan saf-mareenka ah ku dhacay uu ku dhawanayaa hal milyan.

Cudurkani waxa uu galaaftay nolosha in ka badan 34,000 oo ruux, waxa uuna ku dhacay in ka badan 700,000 ruux halka 150,000 kale oo dunida oo dhan ah ay ka soo bogsadeen, kuwa soo bogsaday badidooda waa Shiinaha, sida lagu qoray web-ka lagu aruuriyo xogaha cudurkan ‘Worldometers’, waxaana daqiiqad walba kordhaysa dadka u dhimanaya iyo kuwa hor leh ee uu ku dhacayo.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

10-ka dal ee cudurka Corona-virus aadka u sameeyey welina qaar uu ku fidayo waxaa kamida: Shiinaha, Talyaniga, Isbeyn, Mareykanka, Jarmalka, Iiraan, France, K/kuuriya, Switzerland iyo Ingiriiska, waxaana ay kala riixinayaan kaalimaha hore ee  shaxda.

Dhimashada Talyaaniga waa wax  ka badan 3-dex meelood meel guud ahaan caalamka dalalka xigana waa Spain iyo Shiinaha, balse cudurkan waxa uu wada gaaray qaarada Yurub oo dhan, waana meesha uga badan ee laga oo soo warinayo dad u dhiminaya ama ku dhacay wakhti xaadirkan, meesha xigtana waa Mareykan-ka oo isna wada gaaray gobaladiisa.

Saameynta Cudurka Corona Virus

Waxa uu saameyn xun uu ku yeeshay dhaqaalaha adduunka oo dhan, dal kastana si buu u saameyey, waxaana ka dhashay in la isu socon waayey dhul, cir, bad iyo dhaq-dhaqaaqa caadiga ah ee bulshooyinka iyo wax-soo saarka warshadaha.

Cudurkan dawladaha ayuu ku qasbay in ay qaatay go’aano qaraar oo al-baabada u laabay dhamaan waxyaabihii aas-aasiga u ahaa nolosha bulshooyinka ay madaxda u yihiin, waxaana kamida meelaha uu sida daran u saameyey Waxbarashada, Ganacsiga, duulimaadyada, shirarka, iyo dadka lagu qasbay in guryahooda dhaafin.

Waxaa sidoo kale la mamnuucay booqashada Cusbitaallada, waxana sidoo kale uu saameyey goobaha lagu cibaadaysto.

Shirkii golaha amaanka oo maalinta Khamiista March 26, 2020 dhici lahaa ayaan qabsoomin sababa la xiriira cudarkan oo magaalada New York kaliya in ka badan 50’000 oo ruux uu haleelay, waxa sidoo kale sannadka 2021 loo dhigay ciyaarihii Olompic-da oo Japan lagu qaban lahaa.

Afrika a iyo Cabsida Cudurka

Afrika wel welka iyo cabsida cudurkan waxaa u dheer in aysan lahayn adeeg caafimaad oo tayo leh iyo xitaa qalabkii lagu baari lahaa cudurkan, Senegal iyo K/Africa kaliya ayaaba lahaa qalabka lagu baaro bartamihii Febrayo ee sanadkan, inkasta oo hadda ku dhawaad 20 kale oo dal ay baari karaan cudurkan, waxaana jira dalal Africa oo weli baaritaankooda u dirsada dalal Yurub ama Africa-da ku yaala.

Dalalka Africa oo dhan waxa uu cudurkan ku dhacay waa wax ka yar 2000 oo ruux, balse waxa intaa ka daran oo liita wacyiga dadka  iyo fahamka ay ka qabaan cudurka aadka u fidaya oo maalin walba kiisas hor leh laga diiwan gelinayo Africa dhex-deeda halka dunida kale ay daqiiqad walba xisaabta is bedelayso.

Bariga Africa ayuu soo gaaray Cudurkan, waxaana tirada uga badan laga diiwaan geliyey dalka oo aan  deriska nahay ee Kenya oo maalinta Jimcaha oo todobaadkii hore bandow lagu soo rogay, waxana ay mareysaa 42-kiis, halka anaga Soomaliya la diiwaan geliyey kiiskii 3-aad.

Gunaanud

Waxa ay ila tahay in aynaan dhayal-san khatarta cudurkan Coronavirus oo kar-kaarada soo jebsanaya, dad hor lehna u dhimanaya ama qaadaya daqiiqadiiba, waa inaan si dhaba oo ficil ah u qaadana talooyinka caafimaad ee nala siiyo, Eeba ha inaga xafidee. !

Waxaa diyaariyey: Maxamed Cismaan Cabdi ‘Black Cobra”

Tifaftiraha SONNA

Previous Post

Kulan looga hadlaayo amniga iyo u diyaar garowga ka hortaga Convid19 oo Garoowe lagu qabtay.

Next Post

Mashruucyo cusub oo laga dhagax dhigay Stadium Muqdisho+ Sawirro

Next Post
Mashruucyo cusub oo laga dhagax dhigay Stadium Muqdisho+ Sawirro

Mashruucyo cusub oo laga dhagax dhigay Stadium Muqdisho+ Sawirro

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In