Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Coronavirus oo kar-kaarada jebsanaya, dad hor leh oo u dhimanaya ama qaadaya daqiiqadiiba !

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Coronavirus oo kar-kaarada jebsanaya, dad hor leh oo u dhimanaya ama qaadaya daqiiqadiiba !
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cudurka Corona-virus (COVID-19) ayaa aad uga sii fidaya dunida oo dhan, si gaara ah, Mareykanka iyo Yurub marka laga soo tago dalka Shiinaha oo ahaa meesha uu cudurkan ka soo bilowday, waxaanaย  dadka cudurkan saf-mareenka ah ku dhacay uu ku dhawanayaa hal milyan.

Cudurkani waxa uu galaaftay nolosha in ka badan 34,000 oo ruux, waxa uuna ku dhacay in ka badan 700,000 ruux halka 150,000 kale oo dunida oo dhan ah ay ka soo bogsadeen, kuwa soo bogsaday badidooda waa Shiinaha, sida lagu qoray web-ka lagu aruuriyo xogaha cudurkan โ€˜Worldometersโ€™, waxaana daqiiqad walba kordhaysa dadka u dhimanaya iyo kuwa hor leh ee uu ku dhacayo.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐a

May 10, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026

10-ka dal ee cudurka Corona-virus aadka u sameeyey welina qaar uu ku fidayo waxaa kamida: Shiinaha, Talyaniga, Isbeyn, Mareykanka, Jarmalka, Iiraan, France, K/kuuriya, Switzerland iyo Ingiriiska, waxaana ay kala riixinayaan kaalimaha hore eeย  shaxda.

Dhimashada Talyaaniga waa waxย  ka badan 3-dex meelood meel guud ahaan caalamka dalalka xigana waa Spain iyo Shiinaha, balse cudurkan waxa uu wada gaaray qaarada Yurub oo dhan, waana meesha uga badan ee laga oo soo warinayo dad u dhiminaya ama ku dhacay wakhti xaadirkan, meesha xigtana waa Mareykan-ka oo isna wada gaaray gobaladiisa.

Saameynta Cudurka Corona Virus

Waxa uu saameyn xun uu ku yeeshay dhaqaalaha adduunka oo dhan, dal kastana si buu u saameyey, waxaana ka dhashay in la isu socon waayey dhul, cir, bad iyo dhaq-dhaqaaqa caadiga ah ee bulshooyinka iyo wax-soo saarka warshadaha.

Cudurkan dawladaha ayuu ku qasbay in ay qaatay goโ€™aano qaraar oo al-baabada u laabay dhamaan waxyaabihii aas-aasiga u ahaa nolosha bulshooyinka ay madaxda u yihiin, waxaana kamida meelaha uu sida daran u saameyey Waxbarashada, Ganacsiga, duulimaadyada, shirarka, iyo dadka lagu qasbay in guryahooda dhaafin.

Waxaa sidoo kale la mamnuucay booqashada Cusbitaallada, waxana sidoo kale uu saameyey goobaha lagu cibaadaysto.

Shirkii golaha amaanka oo maalinta Khamiista March 26, 2020 dhici lahaa ayaan qabsoomin sababa la xiriira cudarkan oo magaalada New York kaliya in ka badan 50โ€™000 oo ruux uu haleelay, waxa sidoo kale sannadka 2021 loo dhigay ciyaarihii Olompic-da oo Japan lagu qaban lahaa.

Afrika a iyo Cabsida Cudurka

Afrika wel welka iyo cabsida cudurkan waxaa u dheer in aysan lahayn adeeg caafimaad oo tayo leh iyo xitaa qalabkii lagu baari lahaa cudurkan, Senegal iyo K/Africa kaliya ayaaba lahaa qalabka lagu baaro bartamihii Febrayo ee sanadkan, inkasta oo hadda ku dhawaad 20 kale oo dal ay baari karaan cudurkan, waxaana jira dalal Africa oo weli baaritaankooda u dirsada dalal Yurub ama Africa-da ku yaala.

Dalalka Africa oo dhan waxa uu cudurkan ku dhacay waa wax ka yar 2000 oo ruux, balse waxa intaa ka daran oo liita wacyiga dadkaย  iyo fahamka ay ka qabaan cudurka aadka u fidaya oo maalin walba kiisas hor leh laga diiwan gelinayo Africa dhex-deeda halka dunida kale ay daqiiqad walba xisaabta is bedelayso.

Bariga Africa ayuu soo gaaray Cudurkan, waxaana tirada uga badan laga diiwaan geliyey dalka oo aanย  deriska nahay ee Kenya oo maalinta Jimcaha oo todobaadkii hore bandow lagu soo rogay, waxana ay mareysaa 42-kiis, halka anaga Soomaliya la diiwaan geliyey kiiskii 3-aad.

Gunaanud

Waxa ay ila tahay in aynaan dhayal-san khatarta cudurkan Coronavirus oo kar-kaarada soo jebsanaya, dad hor lehna u dhimanaya ama qaadaya daqiiqadiiba, waa inaan si dhaba oo ficil ah u qaadana talooyinka caafimaad ee nala siiyo, Eeba ha inaga xafidee. !

Waxaa diyaariyey: Maxamed Cismaan Cabdi โ€˜Black Cobraโ€

Tifaftiraha SONNA

Previous Post

Kulan looga hadlaayo amniga iyo u diyaar garowga ka hortaga Convid19 oo Garoowe lagu qabtay.

Next Post

Mashruucyo cusub oo laga dhagax dhigay Stadium Muqdisho+ Sawirro

Next Post
Mashruucyo cusub oo laga dhagax dhigay Stadium Muqdisho+ Sawirro

Mashruucyo cusub oo laga dhagax dhigay Stadium Muqdisho+ Sawirro

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐a

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐a

May 10, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026
0

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee sida nabadda ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah...

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, iyo shacabka ku nool magaalada Baraawe ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In