Tirada dhimashada cudurka COVID-19 ee dalka Mareykanka ayaa sii dhaafaysa 5,000 oo ruux, xilli dadka uu ku dhacay xanuunkan guud ahaan caalamka ku dhow dahay hal milyan.
24 saac uu dambeeyay dalka Mareykanka waxaa ku dhintay 884 ruux, sida ay shaacisay jaamacadda Johns Hapkins oo la socota xanuunka Coronavirus sida uu caalamka u sameeynayo.
Kuwii u dambeeyay u dhintay xanuunkan waxaa kamid ah canug 6 tobaad dhallan, iyadoo 216,000 uu soo riday cudurkan, Mareykanka ayaa noqday dalka ugu xun ee caalamka oo COVID-19 saameeyay.
Maamulka Trump ayaa sheegaya in ay hayaan qalab ku filan la tacaaliyadda cudurkan kaas oo qiimahiisu gaarayo 16bn oo dollar, hase ahaatee, qaar kamid ah gobolada Mareykanka waxaa ka soo yeereysa qaylo dhaan ah in qalabkii lagu dagaalami lahaa xanuunka uu gabaabsi yahay.
Magaalada New York, ayaa noqotay meesha ugu daran oo xanuunkan saameeyay 25,000 oo ruux ayuu hal maalin oo qura soo riday cudurka.