Roobaab watay Dabaylo ayaa ka da’aay Degaanada dhaca Xeebaha goboladda Waqooyi Dalka ,waxa ay wax yeelo ka soo gartay dadka dagaan dhulka Miyiga ah ee Buralayda ku teedtasan.
Dadka ayaa hada u bahaan gargaar dag dag ah oo Bin,aadanimo in laala soo garo madaama ay sameysay Duufaanti ku dhufatay Goboladda Waqooyi gaar ahaan Gobolka Awdal.
Qoysaas xoola dhaqata ah ayaa ku wayay dad iyo Dunyadi ay ku haysteen Degaana hoostaga Gobolka Awdal, kadiba markii ay ku soo rogmadeen Daadad iyo Dabeylo xogga badan oo ay wadtay Duufaanta ku dhuuftay qaybo kamid ah gobolada Waqooyiga ee dalka.
dadka ku dhintay duufaanta ayaa intooda badan waxay ku sugnaayeen degaannada Lughaye iyo Baki oo kawada tirsan isla gobolka Awdal.
Duunfaantan ayaa sido kale waxa ay gabi ahanba latagtay dalagyadii Beeraha, sido kale waxay Burburisay guud ahaanba agabkii ay isticmaalayeen dadka ay dhibaatadu ka soo gartay Duufaanta iyo daadadkii halkaasi ka dhacay.
Roobabka ayaa sidoo kale lagu soo waramaya in ay wax yeelo ka geysteen deegaanno ka tirsan Maamulka Puntland oo ay ku dileen dad iyo xoolo.
dadkii ku dhibatoobay waxyeeladii Dufaantan ayaa dadka soomaaliyeed waxay ka dalbadeen in ay gurmaad dag dag ah ay la soo gaaran.