Tuesday, April 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirada:-Maalinta Olombikada Adduunka oo Laga Xusey Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirada:-Maalinta Olombikada Adduunka oo Laga Xusey Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Olombika Soomaaliyeed GOS  ayaa maanta muqdishio ku qabtay ciyaarayo lagu xusayo maalinta Olombikada Adduunka  oo ku beegnayd 23 June, basle sanadkan ay GOS dib u dhigeen maadaama ay maalintani ku soo beegantay bisha ramadaan laguna go’aansaday in la qabto 23 July.

Dabaaldega maalinta ku wayn bahda Olimbikada adduunka ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka kala socotay GOS, Xiriirka Ciyaaraha Fudud, Xiriirka Kubada kolayga Xiriirka kubbadda Gacanta , Ururada  Ciyaartoyda  Caafimaadaka iyo saxafada ee Gos iyo waliba martisharaf kale oo lagu casuumay dabaaldegan.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026

Munaasabaddan oo lagu qabtay garoonka Wiish ayaa tartamadii lagu xusay waxaa ka mid ahaa ciyaaaro orodo oo ay ka qayb qaateen inka badan 200 oo ciyaaryahan isuguna jiray wiilal iyo gabdho, kulan ay ka qayb galeen xiddigaha gabdhaha kubadda kolayga oo isku arkay cayaar aad u adkyd,  Xiriirka Taekwanduga oo ciyaaro iyo dhoolatusyo  qurux badnaa ku soo bandhigay garoonka iyo waliba ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka oo ay ka maqsuudeen dadwaynihii garoonka usoo daawasho tagay.

Gebagabadii waxaa halkaas ka hadlay Kaaliyaha xogahayaha GOS Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow)  oo sheegay in GOS ay mudnaan gaar ah siinayso maalintan Olympic Day oo ah maalin caalami ah wadamada caalamka oo idilna laga xuso.

” Sanad kasta waxaa dunida laga xusaa maalintan  23 June oo ah maalinta rasmiga ee Munaasabada, balse sanadkan waxaaan dooranay 23 July inagoo dhowrayna bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaanan halkan mahed celin gaar ah uga soo jeedinaynaa, dhamaan xiriiradii ka qayb qaatay xuska sanadkan iyo maamulka degmada Cabadicasiis oo door muhiim ah ka qaatay.”

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Madaxa Amuuraha Gobolada GOS Ibraahim Xuseen Cali (Roombe), waxuuna tilmaamay in ay GOS iyo xiriirada xubnaha ka ahiba qadarin wayn u hayaan maalmaha caalamiga ah oo ay 23 June ka mi tahay wuxuuna munaasabadda sanadkan ku tilmaamay mid ku soo beegantay maalmo farxadeed isla markaana ay munaasabada u dhacday qaab qurux badan, wuxuuna sidoo kale mahadcelin balaaran u soo jeediyay Dhamaan intii gacanta ka gaysatay suurtagalnimada munaasabaddan.

Maalinta Olombikad aduunka ayaa si weyn looga dabaaldegaa caalamkan iyadoo wadamada xubnaha ka ah IOC ay ciyaaro kale duwan iyo siyaabo kal duwanba u xusaan maalintan loogu magac daray maalinka Olimbikada (Olympic Day).

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

IMG_6562 IMG_6565 IMG_6572 IMG_6601 IMG_6605 IMG_6645 IMG_6653 IMG_6657 IMG_6664 IMG_6687 IMG_6701 IMG_6706 IMG_6731 IMG_6735 IMG_6746 IMG_6757 IMG_6763 IMG_6768 IMG_6785 IMG_6787 IMG_6802 IMG_6806 IMG_6812 IMG_6814 IMG_6820 IMG_6822 IMG_6829 IMG_6857 IMG_6876 IMG_6880 IMG_6896 IMG_6909 IMG_6917 IMG_6938 IMG_6954 IMG_6972 IMG_6995 IMG_7030 IMG_7045 IMG_7054 IMG_7074 IMG_7085 IMG_7086 IMG_7093 IMG_7106 IMG_7111 IMG_7116 IMG_7123 IMG_7131 IMG_7134 IMG_7139 IMG_7142 IMG_7149 IMG_7151 IMG_7159 IMG_7165 IMG_7168 IMG_7172 IMG_7180 IMG_7187

Previous Post

Madaxweynaha: ‘’Maamulka cusub ee Galmudug waxaan uga fadhinaa inuu ka shaqeeyo nabadda iyo horumarka shacabka “Sawirro”

Next Post

Madaxweyne Obama Oo Ku Soo Wajahan Saacadaha Soo Socda Nairobi

Next Post
Madaxweyne Obama Oo Ku Soo Wajahan Saacadaha Soo Socda Nairobi

Madaxweyne Obama Oo Ku Soo Wajahan Saacadaha Soo Socda Nairobi

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa xarunta Wasaaradda...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In