Akhristayaal waxaan halkaan idiin ku soo gudbineynaa Sawirada munaasabado ka kala dhacay Degmooyinka Dharkeynley iyo Warta Nabadda Oo Xariga Looga Jarayay Xarumo Danta Guud Ah.
Guddoomiye ku-xigeenka dhankae siyaasada ee gobolka banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caana geel) ayaa xariga ka jaray Waaxda Labaad ee Hanti wadaag ee Degmada Warta nabada,kaddib munaasabad ka dhacday halkaasi.
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada Iimaan Nuur Iikar ayaa isna maanta Xariga Ka jaray Dhismaha Hoolka Shirarka degmada Dharkeynleey kadibna ka qeyb galay Xaflad lagu soo xirayey 52 Nal oo la galiyey Wadadda Jaale Siyaad ee dharxmarta dharkeynleey.