Waxaa la soo gabagabeeyay doorashada xubnaha maamul goboleedka Puntland u matalaya Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay ku loollamayeen 29 Mudane oo Siddeed ka mid ah ay ahaayeen Haween.
Tartan adag oo dhex maray Musharrixiinta kaddib, ayaa waxaa ku soo baxay 11 xubnood oo kala ah, Cumar C/rashiid Cali, C/raxmaan Maxamed Maxamuud (faroole), Cabdirizaaq Cismaan Xasanย (Juriille) ย Farxaan Cali Daahir, Cabdisalaan Xaaji Maxamuud dheere, Mahad Daahir Shiikh Nuur, Hodan Maxamuud Cusmaan, Bootaan Barre Samatar, Maxamud Axmed Maxamud Mashruuc, Siciido Xasan Cismaan iyo Shukri Aadan Maxamed.
Puntland ayaa noqonaysa Dowlad Goboleedkii Saddexaad ee soo dhammaystira xubnaha u matalaya Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, iydoo ay harsan yihiin maamullada Soomaali-land iyo Hir-Shabeelle oo dhawaan la filayo inay soo dhisaan xubnihii u matali lahaa Aqalka sare ee Baarlamaka Soomaaliya.