Monday, March 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Ergada shirka Jowhar oo xalay ansixisay calanka dowladgoboleedka Hirshabeelle

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Ergada shirka Jowhar oo xalay ansixisay calanka dowladgoboleedka Hirshabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waa Habeen ka mid ah Habeenada taariikhiga ah ee Soomaaliya gaar ahaan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Saacadu markii ay isku beegtay 7 dii  fiidnimo ee xalay ayaa shir aan cadi aheen waxa isku yimid ergada shirka mamul usameynta gobolada Hiiraan iyo SHabeelaha dhxe shirka oo ku bilowday jawi dagan ayaa wasaarada arima gudaha waxa ay ku soo bandhigtay magacyo ku dhow 30 iyo nuuco calama kala duwan oo gaarayay ilaa boqolaal kuwaas ooa ay soo direen bulshada Soomaaliyeed markii lagu baahiyay baraha Bulshada.

Related posts

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

March 9, 2026

Codeyntii magacyada ayaa bilaabatay waxaana shirka daadihiniayy xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha Pro Yaxye Cali Ibraahim ilaa 11 magac  oo laga soo xulay magacyadii ay bulshada soo direen ayay u codeeyay ergada kuwaas o isku raacay magaca dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe inuu noqdo HirShabeelle State.

Mashxarad iyo murti ayaa wada qabsatay mar qura madasha shirka ee  farjano markii la isku raacay magaca dowlad goboleedka HirShabeelle waxaa halku dhigu ahaa HirShabeelle waa hashiis.

Markale ayaa loo dhaqaaqay in ergadu u codeeyaan Calanka maamulka HirShabeelle Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa soo bandhigtay ilaa boqolaal Calan oo kala duwan laakiin dood dheer iyo kan kan ayaa ka fiican waxa ay Ergadda Shirka isku Raaceen Calanka maamulka oo safeynaya Calaamada Qaranka, Barwaaqada labada gobo lee wabiga iyo beeraha tiirka u yihiin.

Gobolada fanka ee gobolada Hiiraan iyo SH/dhexe ayaa isla goobta ku soo bandhigay heeso midnoimada labada gobol iyo Soomaalinimada ka tarjumayay, kooxda barbaarta gaashaman oo iyagana qaarkood ergadaba ay ku jireen ayaa seefta gasha kala baxay iyagoo soo bandhigay shiribyo ka hadlayay farxada israaca labada gobol.

Xoghayaha Joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Pro Yaxye Cali Ibraahim ayaa tilmaamay in go’aanka ergadu uu yahay guul u soo hoyatay dhamaan Soomaaliya ayna asteeyeen magaca iyo calanka maamulka oo aas aas u aha dowlad goboleedka.

Gudiga fududeenta shirka maamul u sameynta labada gobol oo gadigood farxad  meel ay isla dhigeen la’ sida in la joogo maalinkii caleema saarka ayaa Gudoomiyahoodu Ciise Samoow waxa uu ii sheegay tani ay ka dhigan tahay shirkii uu guuleeysay.

Shirka maamul u sameynta oo gabagaba joogo ayaa todobaadka Soo aadan waxa la galidoonaa xulista xildhibaanada Barlamaanka labada gobo lee dooranaya Gudoonka Barlaanka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka HirShabeelle.

1 2 3 4 unnamed unnamed

Previous Post

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo lagu qaarajiyay gobolka Sh/hoose

Next Post

Deeq lacageed oo ka timid Madaxweynaha Jabuuti oo la guddoonsiiyay Wasaaradda Arrimaha gudaha

Next Post
Balad-weyne oo laga soo dhaweeyay guushii madaxweynaha Jabuuti uu ka gaaray doorashadii dalkaas

Deeq lacageed oo ka timid Madaxweynaha Jabuuti oo la guddoonsiiyay Wasaaradda Arrimaha gudaha

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Saalim Caliyoow Ibrow, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda...

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda, ayaa kulan miro-dhal ah...

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐃𝐞𝐞𝐪 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠𝐞𝐞𝐝 𝐤𝐮 𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐃𝐞𝐞𝐪 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠𝐞𝐞𝐝 𝐤𝐮 𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

March 9, 2026
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa maanta qabatay munaasabad lagu wareejinayay deeq lacageed 14,400 US Dollar oo ay iska soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In