Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Shir looga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo ka dhacay dalka K/Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Shir looga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo ka dhacay dalka K/Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir looga hadlayay doorashooyinka lagu wado inay Soomaaliya ka dhacaan bilaha soo socda oo uu qabtay Mahcadka baarista ee Human Sciences Research Council,ayaa lagu qabtay magaalada Pretoria ee K/Afrika.

Kulankaasi waxaa ka qeybgalay Wafdi ka socda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Xildhibaan Faarax Sh C/qaadir, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalalka Afrikada Koonfureed, Jamal Barrow, Qunsulka Safaaradda,Mudane Maxamed Cali Mire (Nabaddoon) xubno matalayay Jaaliyadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, Xubno ka socay Wasaaradda Arimaha Dibadda K/Afrika iyo Aqoonyihanno K/Afrikan ah.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Shirkaan oo ay qudbado ka jeediyeen Xildhibaan Faarax C/qaadir iyo Danjire Jamal Barrow waxay ka hadleen xaaladaha Dalka Soomaaliya iyo in doorasho kuwii hore ka duwan lagu wado in Soomaaliya ka dhacdo, waxa ayna labada Mas”uul qudbaddooda ka sheegeen in Soomaaliya ay ka soo kabanayso burburkii iyo Dowlad la’aantii mudadada badnayd jirtay.

Danjire Jamal Barrow ayaa qudbadiisa ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku shaqeyso shan tiir oo ay muhimadda kowaad labaad iyo sedexaad siiso amaanka ayna hadda ka duwantahay sanadihii hore sida ay ahayd.

“ Labaatan Sanno kaddib Soomaaliya hadda waxa ay dib u yeelatay Bandhgi dhexe kaasoo u shaqeeeya sida Bangiyada Caalamiga ah, dhinaca kale waxaa Soomaaliya dib ugu soo laabtay Qurba joogtii ugu badneyd kuwaasoo doonaya inay ka qeyb qaataan dib u dhiska Dalka”ayuu yiri Danjuruhu.

Xildhibaan Farax Sh C/qaadir oo ka mid ahaa Wafdiga ugu qeybgalaya Shirkaan loogu hadlayo doorashooyinka Soomaaliya oo qudbad ka jeediyay waxa uu sheegay in Dowladahii hore ee KMG ahaa lagu soo dooran jiray meelo ka baxsan Soomaaliya balse hada horumar badan laga sameeyay oo ay doorashada ka dhici doonta inta badan Maamul Goboleed Soomaaliya iyo Caasimadda intuba.

“ Waxaan wadnaa Waddadii lagu gaari lahaa Sanadka 2020-ka in loo codeeyo qof iyo codkiisa balse caqabadaha inaga heysta doorashooyinka ayaa ah inay dadka aqoon durugsan u laheeyn doorashada, doorashadii hore ee 2012 ka waxaa soo doortay 275 xildhibaan balse hadda waxaan wadnaa in illaa 14000 qofood ay doorasho samayeen,waana wax ku duyasho mudan” ayuu yiri Xildhibaanku.

Shirkaan waxa uu sidoo kale ka dhici doonaa Magaalooyinka Cape Town iyo Durban ee K/Afrika iyadoo si weyn loogu faaqidi doono arimaha doorashooyinka.

IMG_9878 IMG_9843

IMG_9901

IMG_9938

C/qaadir Axad, Pretoria

Previous Post

R/wasaaraha oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka guddiga doorashooyinka Qaranka

Next Post

Aqoon isweydaarsi ku saabsan joojinta gudniinka fircooniga ah oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Aqoon isweydaarsi ku saabsan joojinta gudniinka fircooniga ah oo lagu qabtay Muqdisho

Aqoon isweydaarsi ku saabsan joojinta gudniinka fircooniga ah oo lagu qabtay Muqdisho

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In