Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka guddiga doorashooyinka Qaranka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 27, 2016
in Wararka
0
Ra’isul wasaaraha Xukuumadda oo cambaareeyay weerarka hotel ambbassidor
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflado lagu soo bandhigayay wax qabadkii Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka oo maanta sanad laga joogo markii la dhisay ayaa waxaa ka qeybgalay R/wwasaaraha Xukuumada Somaaliya ,Wasiirada Arimaha gudaha, warfaafinta, xildhibanno ka tirsan baaralamanka federaalka ah, Gudoomiyaha iyo xubnaha Guddiga Madaxa banana ee Doorashooyinka Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intii ay xafladda socotay ayaa R/wasaaraha la guddoonsiiyay shahaaddo sharaf ay ugu talagaleen Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka  iyadoo mas’uuliyiinta Guddiga ay sidookale soo bandhigeen waxyabaihii u qabsoomay muddadii sanadka aheyd ee guddiga uu jiray oo ay ugu muhiimsaneyd tababarro la siiyay xubnaha Guddiga si aqoontooda kor loogu qaado, in la bilaabay dhismaha xarunta cusub ee Guddiga oo noqon doonta meel ka baxsan Madaxtooyada oo hadda ay ku shaqeeyaan, iyo Websiteka Guddiga oo maanta wixii ka dambeeya shaqeyn doona si loogala socdo macluumaadka Doorashooyinka dhacidoona sanadka 2020-ka.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo yareey) ayaa sheegtay in shaqada Gudiigooda ay tahay diyaarinta Doorasho qof iyo cod ah oo la filayo in dalka ay ka dhacdo sanadka 2020-ka loona baahan yahay in madaxda Dowladda iyo shacabkaba ay arintaasi kala shaqeeyaan Guddiga.

“Dadka qaar gudigaan in la kala diray ayay la noqotay balse waxaan idiin sheegayaa markale in Guddiga dhawaan la sameeyay ay yihiin kuwa looga gudbayo doorashada dadban ee 2016-ka, lakin anaga waa jirna waana shaqeyneynaa waxaana howsheena ay tahay inaan dalka gaarsiino doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-ka, balse waxaan ka codsanayaa xukuumadda in la smaeeyo sharcigii doorashooyinka si howsha naloo xilsaaray ay noogu qabsoonto” sidaa ayay tiri Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay dadaallada guddiga uu ku doonayo hirgalinta doorasho qof iyo cod ah inay dalka ka dhacdo marka la gaaro sanadka 2020-ka, waxayna xildhibaanadu caddeeyeen in guddiga haddii loo madaxbanneeyo shaqadooda ay wadanka gaarsiin karaan doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada Somaaliya mudane Maxamed Cabdi xayir “Maareeye” ayaa kula dardaarmay Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka inay dardargaliyaan shaqada looga fadhiyo oo ah in Doorasho qof iyo cod ah la helo sanadka 2020-ka, islamarkaana ay si wanaagsan ula shaqeeyaan Xisbiyada siyaasadda iyo Dowlad goboleedyada, taasi oo fududeyneysa in Gudiga madaxa banana ee doorashooyinka qaranka ay si hufan oo caddaalad ah u gutaan waajibaadka horyaala.

R/wasaaraha Xukuumada Somaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka hadlay gabagabaadii xafladda ayaa hambalyo iy bogaadin u diray Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka muddadii sanadka aheyd ee ay shaqeynayeen iyo waxqabadka ay la yimaadeen wuxuuna ballanqaaday in Xukuumada ay diyaarineyso sharciga doorashooyinka si Guddiga ay u helaan waddo ay u maraan hirgalinta doorasho qof iyo cod ah.

“Anaga hadda waxaan diyaarinay qorshe lagu gaarayo doorashada 2020-ka dheceysa oo ah qof iyo cod, waxaana la tagi doonaa shirka ugu soo horreeya ee madasha qaranka, shirkaasi oo leydinku casumi doono si aad adinkana usoo bandhigtaan qariiradda aad ku howlgaleysaan si loo gaaro doorashada la filayo sanadka 2020-ka”  ayuu yiri R/wasaare Sharmaarke.

 

 

Previous Post

Booliiska Canada oo dilay muwaadin Soomaaliyeed

Next Post

Daawo Sawirrada: Shir looga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo ka dhacay dalka K/Afrika

Next Post
Daawo Sawirrada: Shir looga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo ka dhacay dalka K/Afrika

Daawo Sawirrada: Shir looga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo ka dhacay dalka K/Afrika

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In