Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dad cudurka Malaariyada (Duumada) ugu geeriyooday  xerada qaxootiga Kakuma

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Dad cudurka Malaariyada (Duumada) ugu geeriyooday  xerada qaxootiga Kakuma
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War ka soo baxay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Qaxootiga ee UNHCR,ayaa lagu sheegay in kumanaan Kiisas malaariyo ah laga soo wariyay labadii bilood ee ugu danbeysay xerada Qaxootga Kakuma iyo deegaanka Kalobeyei ee dalka Kenya.

Xerada Qaxootiga ee Kakuma ayaa waxaa marti ku ah Qaxooti fara badan oo ka kala yimid dalalka Ethiopia,Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan kuwaasoo halkaasi ay ku taageeraan Hay’ado ka shaqeeya Arimaha bini-aadanimada.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Tiro dad lagu qiyaasay sagaal ruux ayaa ugu geeriyootay Cudurka deegaanka Kalobeyei iyo Xerada Qaxootiga Kakuma,sida warbixinta Hay’adda UNHCR lagu xusay.

Ku dhawaad 12,000-Kiisas malaariyo ah ayaa laga daweeyay Shacabka Qaxootiga ee ku dhaqan Xerada Kakuma iyo dadka ku nool deegaanka Kalobeyei tan iyo bishii Augusto ee sanadkaan 2017-ka.

UNHCR,ayaa sidoo kale sheegtay iney jiraan Kiisaska Cudurka Malaariyada oo kor u sii kacaya Xeryaha Qaxootiga iyadoo loo aaneynayo xilli roobaadka oo la guda galay.

Hay’adda ayaa Xustay in shaqsiyaadka uu sameeyay Cudurka Malaariyada (plasmodium falciparum),hadda lagu daweynayo xarumo caafimaad oo kala duwan oo ku yaalo Xerada Qaxootiga Kakuma.

Xarumaha caafimaadka ee ku yaalo Xerada Kakuma iyo deegaanka Kalobeyei ayaa lagu diyaariyay dawada malaariyada oo lagu daweynayo dadka xaaladooda yara roon tahay iyo kuwa sida ba’an uu cudurka u hayo.

Hay’adda Caafimaad Aduunka (WHO),ayaa xeryaha ka howlgelisay dhalinyaro loo carbiyeyay iney bulshada ka wacyigeliyaan halista uu leeyahay cudurkaan iyo qaabka ugu haboon ee looga hortagi karo.

Previous Post

Doorashada ku celiska ah ee madaxtinimada oo saaka ka billaabatay dalka Kenya

Next Post

Taliyaha Ciidamada X.D.S. oo ka tacsiyeeyay geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muse

Next Post
Taliyaha Ciidamada X.D.S. oo ka tacsiyeeyay geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muse

Taliyaha Ciidamada X.D.S. oo ka tacsiyeeyay geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muse

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In