Wasaaradda caafimaadka Brazil ayaa shaacisay, in 4,195 qof ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay cudurka COVID-19 ugu dhimatay guud ahaan dalkaasi, Wasaaraddu waxay sheegtay in tirada dhimashada ay sii kordheysay laga soo bilaabo bishii February ee sannadkaan.
Faafista cudurkan ayaa sare u sii kaceysay dhowrki bilood ee lasoo dhaafay. Khubarrada caafimaadka Brazil ayaa arrintaasi ku sababeeyay, nuucyada cusub ee xanuunka oo soo badanaya iyo dadka oo aanan ku dadaalin kala fogaanshaha.
kubarradu waxay saadaalinayaan in Brazil uu noqon doono dalka ugu dhimashada badan cudurka COVID-19 guud ahaan caalamka haddii ay xaaladda sidaan ku sii socoto.
Mareykanka ayaa kaalinta koowaad kag jira marka laga hadlaayo dadka u dhintay Corona, waxana xanuunka ugu dhintay gudha Mareykanka in ka badan 555,000 oo ruux, halka Brazil ay tirada dhimashada mareyso ku dhawaad 337,000 oo qof.