Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhashay booyad Shidaal siday oo shil ku gashay bartamaha dalka Liberia, sida ay sheegeen Booliska dalkaas.
Booyadan oo siday Shixnad Shidaal ah ayaa qaraxday kadib markii ay ku dhacday god ku yaalla mid ka mid ah Waddooyinka mara bartamaha Caasimadda Liberia ee Monrovia.
Sida a la sheegay markii uu shilka dhacay kadib ayaa waxaa goobta soo buux dhaafiyay qaar ka mid ah dadkii ka ag dhawaa halka uu shilka ka dhacay ka hor inta uusan taangiga qarxin, taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac dadka halkaasi ku waxyeelloobay.
Goobjooge ku sugan goobta ay wax ka dhaceen ayaa u sheegay wakaaladda wararka France-Presse, in dadku ay ku soo xomeen Gaariga shilka galay si ay shidaal daatay u qataan, taasi oo sababtay khasaaraha halkaasi ka dhashay.