Labo Dhul-gariir ayaa waxay xalay ka dheceen Gobalka Hatay ee dalka Turkiga, oo dhaca xuduudka ay wadagaan dalka Suuriya.
Hay’adda Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka Degdega (AFAD) ee Turkiga, ayaa sheegtay inuu Dhul-gariirka Koowaad uu ka dhacay degmadda Defne 5:04 daqiiqo xilliga (GMT), kaasi oo Halbeegiisu ahaa 6.4 Richter Scale.
Sidokale Dhul-gariirkii Labaad oo Halbeegiisu yahay 5.8 Richter Scale, ayaa ku dhuftay degmadda Samandağ ee Gobalka Hatay ee dalka Turkiga.
Sida ay sheegtay warbaahinta Turkiga, Laba Dhul-gariir ayaa waxa u dhexeysay muddo 3 daqiiqo ah, arrintaas oo dadka dareensiisay Cabsi aad u daran.
Saddex qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen, halka ay 213 kalena ku dhaawacmeen Dhul-gariirkii xalay ka dhacay Koonfurta dalka Turkiga, gaar ahaan degaanada ku teedsan xuduudka ay la wadagaan dalka Suuriya.
Bishan February 6-dii, ayaay aheed markii labo Dhul-gariir oo Halbeegoodu ahaa 7.7 iyo 7.6 Richter Scale uu ku dhuftay Koonfurta Bari ee dalka Turkiga, waxaana ku geeriyootay ugu yaraan 41,156 qof, halka ay tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.