Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho

Dadka gobolka Hawaii oo ka khalkhalay digniin weerar gantaal

caqiil by caqiil
9 years ago
in Uncategorized
0
Dadka gobolka Hawaii oo ka khalkhalay digniin weerar gantaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barasaabka gobolka Hawaii ee waddanka Mareykanka, David Ige, ayaa sheegay in mid ka mid ah howlwadeenadooda uu si khaldan u riixay bar loogu talagay in laga dirro digniinaha khatarta soo wajahan, taas oo dadka loogu diray digniin ah in gantaal riddo dheer uu gobolka ku soo wajahan yahan.

Mr Ige ayaa raaligelin ka bixiyay khaladkaas dhacay waxa uuna sheegay in la qaaday tallaabooyin loogaga hortageyo in khaladkan uu markale soo laabto.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Dadka gobolka Huwaii ayaa aroortii hore ee subaxii Sabtida waxa ay hal mar ku baraarugeen digniin culus oo ah in gantaal riddo dheer uu ku soo wajahan yahay ayna tahay inay gabbaad raadsadaan.

Fariin lagu soo gudbiyay Mobile-ka ayaa dadka loogu sheegay “Gantaal riddo dheer ayaa gobolka Hawaii ku soo wajahan ee gabbaad raadso. Tani ma ahan ciyaar ciyaar”.

Balse markii dambe digniintaasi ayaa waxa ay noqotay mid si khalad ah lagu diray.

Barasaabka gobolkaasi David Ige ayaa khaladka dhacay raaligelin ka bixiyay waxa uuna sheegay in qof ka mid ah howlwadeenadooda uu si khaldan u riixay meesha laga diro digniinaha culus.

Dhanka kale dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in baaritaan buuxo arrintaasi lagu sameyn doono.

Hannaan lagu diro fariimmaha degdega ah ayaa gobolkaasi ku rakiban sababtana waxaa lagu sheegay halka uu gobolkaasi ku yaal oo ay suuragal tahay in gantaallada Kuuriyada Waqooyi ay soo gaari karaan.

Gobolka ayaa markii ugu horraysay tan iyo dhammaadkii Dagaalkii qaboobaa ee dunida waxa uu bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafay tijaabiyay dhawaqa digniinaha.

BBC

Previous Post

President Farmajo arrives in Galkayo town

Next Post

Dhageyso: Shir looga hadlayo arrimaha abaarihii Dalka ka dhacay oo maanta ka furmaya Kismaayo

Next Post
Dhageyso: Shir looga hadlayo arrimaha abaarihii Dalka ka dhacay oo maanta ka furmaya Kismaayo

Dhageyso: Shir looga hadlayo arrimaha abaarihii Dalka ka dhacay oo maanta ka furmaya Kismaayo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In