Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dalalka G20 oo sheegay in ay gargaar gaarsiinayaan dadka Reer Afgaanistaan

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Dalalka G20 oo sheegay in ay gargaar gaarsiinayaan dadka Reer Afgaanistaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hoggaamiyeyaasha dalalka ugu dhaqaalaha weyn ee  ku bahoobay G20 ayaa mar kale xaqiijiyey go’aankooda ah in gargaar bani’aadamnimo la gaarsiiyo dadka  reer Afgaanistaan, sida lagaga dhawaaqay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

waddamadan ayaa waxay ku heshiiyeen in sida ugu dhaqsiyaha badan gargaar lagu gaarsiiyo Afgaanistaan iyagoo loo sii marinaayo  Ururo caalami ah oo madaxbannaan, si kor loogu qaado xuquuqda aasaasiga ah ee dhammaan dadka reer Afgaanistaan, oo ay ku jiraan haweenka, gabdhaha, iyo kooxaha laga tirada badan yahay, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Aqalka Cad ka dib shir madaxeedka G20.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Mareykanka waxaa ka go’an inuu si dhow ula shaqeeyo beesha caalamka uuna u adeegsado hab diblumaasiyadeed, bani’aadanimo, iyo dhaqaale si wax looga qabto xaaladda Afgaanistaan loona taageero dadka Afgaanistaan,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Ku dhawaaqista ayaa imaanaysa iyadoo Afghanistan ay wajahayso dhibaato dhaqaale oo saameysay kala bar dadka dalkaas, ama qiyaastii 18 milyan oo qof. Dalka Afgaanistaan ayaa ah dal ay si xoog leh u kabaysay kaalmo caalami ahi labaatankii sano ee la soo dhaafay

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Guterres ayaa sheegay in 80% dhaqaalaha Afgaanistaan uu yahay mid aan rasmi ahayn iyadoo haweenku ay ciyaarayaan “door muhiim ah.” Taalibaan, ayaa ku guuldareysatay inay fuliso ballanqaadyadoodii ahaa inay ilaalinayaan xuquuqda haweenka, ayuu yiri madaxa Qaramada Midoobay isagoo ka codsaday taliyayaasha Afghanistan inay gutaan waajibaadka ka saaran xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah.

Previous Post

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Ururka iskaashiga Islaamka (OIC)

Next Post

Madaxweynaha Jubaland oo ku baaqay in gargaar la gaarsiiyo dadka ay abaaraha saameeyeen

Next Post
Madaxweynaha Jubaland oo ku baaqay in gargaar la gaarsiiyo dadka ay abaaraha saameeyeen

Madaxweynaha Jubaland oo ku baaqay in gargaar la gaarsiiyo dadka ay abaaraha saameeyeen

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In