Saturday, February 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dalalka Qadar iyo Baxreyn oo ku howlan soo celinta xiriirkii diblomaasi

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Dalalka Qadar iyo Baxreyn oo ku howlan soo celinta xiriirkii diblomaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalalka Qatar iyo Baxrayn ayaa wada dadaal lagu soo celinaayo xiriirkii diblomaasi ee u dhaxeeyay labadaasi dal,isla markaana lagu xallinaayo khilaaf soo jiray muddo dhowr sanado ah.

Wafuud ka kala socotay labada dal ayaa Arbacadii shalay ku kulmay xarunta Golaha Iskaashiga Khaliijka ee GCC oo ku taalla caasimadda Dalka Sacuudiga ee Riyadh, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalalkaasi.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

February 21, 2026
Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

February 21, 2026

Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Axmed Bin Xasan Al-xammadi ayaa la kulmay ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Baxreyn Sheikh Abdullah bin Ahmed Al Khalifa ,kuwaas oo  ka wadahadlay sidii loo xallin lahaa khilaaf soo taxnaa tan iyo sannadkii 2017-kii.

Dabayaaqadii Jannaayo, dhaxal-sugaha Boqortooyada Baxreyn iyo amiirka Qatar ayaa yeeshay wadahadal dhanka talefanka ah,si ay xal uga gaaraan  khilaafka soo jiray mudada dhowrka sano ah.

2021-kii Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa dib u soo celiyay xiriirkan, inkastoo Imaaraadka iyo Qatar aysan weli furin safaaradahooda.

Sanadkii 2017-kii dalalka Bahrain, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Masar, waxay Qadar ku soo rogeen go’doomin diblomaasiyadeed ,iyagoo ku eedeynaya inay aad ugu dhow yihiin Iran,isla markaana ay ay taageerto kooxaha mayalka adagbalse Qdar weey beenisay eedahaasi.

Soo celinta xiriirka ee labada dal ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan dadaallo kale oo lagu xallinayo khilaafaadka gobolka, gaar ahaan heshiisiinta Iran iyo Sacuudi Carabiya.

Previous Post

Shirka amniga Gobolka Bari oo Go’aamo laga soo saaray

Next Post

Duqa Muqdisho oo xoojiyay fulinta amarkii uu dhawaan soo saaray Madaxweynaha JFS

Next Post
Duqa Muqdisho oo xoojiyay fulinta amarkii uu dhawaan soo saaray Madaxweynaha JFS

Duqa Muqdisho oo xoojiyay fulinta amarkii uu dhawaan soo saaray Madaxweynaha JFS

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo oo laga gaaray horumarinta...

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta, iyadoo hawlgallo qorsheysan oo ay fuliyeen ciidammada...

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In