Friday, July 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay shir ku saabsan Cimilada Cagaaran

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay shir ku saabsan Cimilada Cagaaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo ku saabsan Cimilada Cagaaran iyo Isdhaafsiga aqoonta iyo khibradaha hannnaanka Maaliyadda Cimilada.

Shirka ayaa intii uu socday diiradda lagu saaray hirgelinta hannaan maaliyadeed oo cimilada ah oo qaran oo Dowladda Soomaaliya hogaamiso, isla markaana si waafaqsan uga shaqeeya dhammaan hay’adaha iyo heerarka dalka (whole-of-country approach).

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026

Shirkaan oo ay martigelisay Hey’adda Cimilada Qaran ee dalka Rwanda (Rwanda Green Fund) ayaa sidoo kale ka qeybgalayasha isku dhaafsadeen dooddo wax ku ool ah oo ku aadan hannnaanka Maaliyadda cimilada Cagaaran, is dhaafsiga khibradaha, hirgelinta, caqabadaha jira,iyo sida dalalka Afrika ay uga faa’iidaysan karaan maalgelinta cimilada Maaliyadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku soo bandhigtay sida ay horumar la taaban karo uga samaysay hirgelinta iyo tallaabooyinka wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo maalgelinteeda mudnaanta qaran ee ku xusan aragtida Qaran ee 2060, Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan) iyo sidoo kale NDC-yada iyo NAP-yada.

Wafdiga Soomaaliya ee shirka ka qeybgalay ayaa waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya (NCF) Mudane Liibaan Cabsiiye iyadoo ay wehlinayeen xubno sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Bangiga Horumarinta Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaal xooggan ugu jirtaa xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha maaliyadeed ee cimilada iyo ururrada waaweyn ee ka shaqeeya arrimaha Cimilada Cagaaran, si loo dardargeliyo helitaanka iyo ka faa’iidaysiga maalgelinta cimilada.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Wafdi ka socday Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari

Next Post

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

Next Post
Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
0

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WASIIRKII GAASHAANDHIGGA DALKA JABUUTI   Muqdisho, Luuliyo, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya...

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In