Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha JFS ee Ethiopia oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Madaxa Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Danjiraha JFS ee Ethiopia oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Madaxa Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka JFS ee dalka Ethiopia Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa Safaaradda ee Addis Ababa ku qaabilay madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya “UNSOS” Aisa Kacyira, iyagoo ka wada hadlay shaqada xafiiska UNSOS uu ka hayo Soomaaliya.

Danjire Warfaa, ayaa Aisa Kacyira la wadaagay horumarka la taaban karo ee ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ka sameysay dhinacyada Amniga, Dhismaha Dawladnimada, Horumarinta dhaqaalaha iyo arrimo kale, isagoo Qaramada Midoobay gaar ahaan UNSOS uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Dawladda Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Intii uu kulanku noo socday waxaan ka wada hadalnay oo aan fursad u helay in aan iftiimiyo horumarka la taaban karo ee ay Dawladda Soomaaliya ka sameysay dhinacyada Amniga, Dhismaha Dawladnimada, Horumarinta dhaqaalaha iyo arrimo kale, anigoo aad ugu farxay inaan la wadaago horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay sannadihii u dambeeyay” ayuu yiri Danjire Warfaa.

Danjire Warfaa ayaa durba bilaabay dedaalo kala duwan oo uu ku dar-dar gelinayo kuna adkaynayo xiriirka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeeya dalalka iyo hay’adaha Caalamiga ah.

Previous Post

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka

Next Post

Soomaaliya oo martigelisay aqoon isweydaarsiga howlgelinta suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika

Next Post
Soomaaliya oo martigelisay aqoon isweydaarsiga howlgelinta suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika

Soomaaliya oo martigelisay aqoon isweydaarsiga howlgelinta suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In