Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo martigelisay aqoon isweydaarsiga howlgelinta suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 19, 2023
in Wararka
0
Soomaaliya oo martigelisay aqoon isweydaarsiga howlgelinta suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa martigelisay aqoon iswaydaarsiga wacyi-gelinta ee gobolka, gaar ahaan waddamada ku bahoobay suuqa xorta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (COMESA) oo la xiriira hawl-gelinta Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika (SAATM), taaso Soomaaliya ka dhigtay dalkii u horreeyay ee martigelinaya aqoon iswaydaarsigan.

Waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socday Wasaaradaha bahwadaagta ah ee Dawladda Federaalka ee kala ah: Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Ganacsiga, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Jaamac Cumar oo aqoon iswaydaarsigan furay, ayaa sheegay inay Soomaaliya xoojinayso dadaalladeeda ku aaddan hawl-gelinta Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika , isagoo markaa sheegay inuu Dalka muddo kooban ka mid noqday waddamada ugu horreeya ee dhinaca duulista Hawada.

Maareeyaha guud ee Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa dhankiisa sheegay in horumaridii u dambeeyay ee la sameeyay inay fududeeyeen Soomaaliya inay xoojiso doorkeeda hawl-gelinta Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika.

“Dalkeenna Duulista Hawada , wuxuu ka jooga horumar tusaale noqday.” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Hay’adda, Mudane Axmed Macallin oo intaa ku daray “ Aqoon iswaydaarsigan wuxuu Soomaaliya uu u diyaarinayaa ka faa’iideysiga Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika.”

Aqoon is-weydaarsiga oo maanta la soo gabagabeeyay ayaa socday labo maalin waxaana soo qabanqaabiyay barnaamijka Taageerada Horumarinta Gaadiidka Cirka (SATSD) ee Bariga Afrika, Koonfurta Afrika iyo Gobolka Badweynta Hindiya (EA-SA-IO)

 

Previous Post

Danjiraha JFS ee Ethiopia oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Madaxa Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug oo koobkii degmooyinka guddoonsiiyay degmada cabudwaaq

Next Post
Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug oo koobkii degmooyinka guddoonsiiyay degmada cabudwaaq

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug oo koobkii degmooyinka guddoonsiiyay degmada cabudwaaq

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

July 12, 2025
0

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Soolka waxa ay ka wadaan, kulamo lagu dardargelinayo dhammeystirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In