Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha JFS ee Suudaan oo la kulmay wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda dalkaasi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Danjiraha JFS ee Suudaan oo la kulmay wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda dalkaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan Mudane Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa kulan la yeeshey wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha dibadda Dalkaasi,ahna sii-haayaha  wasiirka.

Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq oo wakaaladda (SONNA) la xiriirtay ayaa sheegay in uu kala hadlay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dalkaasi Suudaan Dr Cumar Nasrudiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Suudaan.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

“Waxaan saakay xafiiskiisa  wasaaradda arrimaha dibadda kula kulmay wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkan Suudaan,ahna sii-hayaha xilka wasiirka,waxaana aan kala hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa adkeynta xiriirka labada dal ka dhexeeya”. Ayuu yiri Danjire maxamed Sheekh Isxaaq.

Wuxuu sidoo kale ugu hambalyeeyey dowladda Suudaan dowrkeedi ku aadanaa dadaalada nabadeeda ee jabhadaha ku dagaalamayay Koonfurta Suudaan,iyadoo dowladaha IGAD oo Soomaaliya ay ku jirto ay ka qeybgali doonaan munaasbadda saxiixa heshiiskaas.

Dhanka kale safiirka Soomaaliya ee Suudaan ayaa ka hadlay arrimo la xiriiray qarashaad dowladda Suudaan ay ku soo rogtay dhanka sharciga joogitaanka dalkaasi,taasi oo Soomaalida saameyn ku yeelatay goor hore,wuxuuna xusay in lagu guuleystay xalinta arrintaasi.

Previous Post

Turkiga oo ku adkaysanaya Mowqifkiisa Caalamiga ah ee ku salaysan soo Saarida Gaaska Dabiiciga ah.

Next Post

Mudanaayasha Golaha Shacabka BJFS Ayaa Ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed

Next Post
Mudanaayasha Golaha Shacabka BJFS Ayaa Ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed

Mudanaayasha Golaha Shacabka BJFS Ayaa Ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In