Thursday, June 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Mareykanka oo waraaqihiisa u gudbiyay wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya-Sawirro

caqiil by caqiil
August 9, 2016
in Wararka
0
Danjiraha Mareykanka oo waraaqihiisa u gudbiyay wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha dowladda Mareykanka u soo magacowday Soomaaliya Stephen M. Schwartz  ayaa nuqulka waraaqaha aqoonsiga danjirenimo waxaa ku wareejiyay wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya mudane C/salaam Hadliye Cumar kadib markii maanta ay ku kulmeen magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Bracka Obama ayaa danjire  Schwartz si rasmi ah ugu magacaabay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025

Danjire  Schwartz ayaa sheegay in magacaabistiisa ay tahay calaamad muujineysa sida uu u xoogeystay xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, isagoo noqoneya safiirkii ugu horeeyay Mareykanka u soo diraan Soomaaliya muddo ka badan 25 sano.

Waxaa uu intaa ku daray in uu ku faraxsan yahay in uu fursad u helo in dadka Soomaaliyeed uu ka caawiyo dhisamaha nabadda iyo xasiloonida wadanka ku yaala geeska Afrika ee Soomaaliya.

Danjiraha ayaa tilmaamay in mudada uu xilka hayo uu ahaan doono saaxiib dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin isla markaana gacan ka geysta sidii Soomaaliya u noqon laheyd wadan ay xoogan yihiin hey’adahiisa ayna yihiin kuwo dimoqraadi ah.

“Waxaan ka caawin doonaa xaqiijinta amniga, dhismaha hey’ado dimoqraadi ah,ku dhaqanka sharciga iyo kobaca dhaqaalaha Soomaliya,” ayuu yiri danjire Schwartz.

Ugu dambeyntii danjire  Schwartz ayaa amaanay horumarka ay Soomaaliya sameysay sideedii sano ee la soo dhaafay waxaama hogaamiyeyaasha Soomaaliya ku booriyay in wixii karaankooda ah ay ku bixiyaan sidii loo hagaajin lahaa nolashada dadka Soomaaliyeed gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada.

Danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa dhowaan waxaa la fileyaa in uu ka guddoomo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya markaas oo uu noqon karo danjire xillkiisa gudan karo.

IMG_1469 IMG_1486 IMG_1512 IMG_1516 IMG_1517 IMG_1519 IMG_1520 IMG_1524 IMG_1531 IMG_1560 IMG_1581 IMG_1590 IMG_1591 IMG_1601 IMG_1603 IMG_1604

Sawir Qaade: Ibraahim Guudle

Previous Post

Taliyaha NISA : Qofka aan heysan warqadda aqoonsiga ma heli doono wax adeeg ah-Sawirro

Next Post

Daawo Sawirada : Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo Imaaradka kula kulmay Saraakiil Sarsare

Next Post
Daawo Sawirada : Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo Imaaradka kula kulmay Saraakiil Sarsare

Daawo Sawirada : Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo Imaaradka kula kulmay Saraakiil Sarsare

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay Shirka Gogosha...

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025
0

Ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib howlgal qorsheysan...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In