Thursday, February 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Switzerland oo ka warbixisay shirkii Davos “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa, Wareysiyada
0
Prime Minister Khaire: Somalia’s Return to Global Stage is Inevitable
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii dhaqaalaha adduunka oo lagu soo geba gebeeyey  magaalada Davos ee Dalka Switzerland  ayaa muhiimad gaar ah u lahaa Soomaaliya,iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu shirkaasi ku soo bandhigay hiigsiga Dowladda oo ay ugu weyntahay in Soomaaliya ay ku soo notoqo saaxada Caalamka iyo in ay dib u soo celiso sumacadii ay ku lahayd Dunida.

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Switzerland Faadumo Cabdullaahi oo u waramaysay  Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixisay waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkaasi ka soo baxay ee quseeya arrimaha Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

February 11, 2026
Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

February 11, 2026

Marwo Faadumo Cabdullaahi ayaa sheegtay in madaxdii ka qeybgashay shirkaasi ay muujiyeen in ay diyaar u yihiin maalgashi ay ku sameysataan Soomaaliya,maadaama dalka uu yahay dal Qani ku ah dheyraadka kaladuwan,sida Xoolaha,Badda,iyo beeraha intuba.

“Shirka wuxuu ahaa mid muhiimada gaar ah u lahaa Soomaaliya,waxaan ku cadaynay in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay saaxadda Caalamka, ayna arkaan madadxad dowlado badan warbixinada ku saabsan xaaladda dalka,waxaan u sheegnay in aan u imaanin shirkaasi in aan kaalmo weyydiisano,balse waxaan u sheegnay in aan diyaar u nahay in maalgashi iyo horumar laga sameeyo dalka”, ayay Danjire Safiir Faadumo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo khudbad ka jeediyay shirkaasi ayay sheegtay Danjire Faadumo C/laahi in uu ku soo bandhigay waxyabaha u qabsoomay Dowladda Soomaaliya iyo yoolka ay hiigsanayso,waxayna sheegtay in ay madaxdii caalamku ay ku qanceen warbixinta halkaasi uu ku soo bandhigay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Wareysiga oo dhameystiran oo ay qaaday Wariye Aamino Axmed Cali (Aamina Ladan)

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/01/Wareysi-Fadumo-Cabdullaahi-insiyaaniyah-safiirka-Somalia-ee-Switzerlan.mp3
Previous Post

Shir looga hadlayay saameynta abaaraha oo lagu qabtay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta oo ka warbixiyay maxbuus ku dhintay Xabsiga Dhexe

Next Post
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta oo ka warbixiyay maxbuus ku dhintay Xabsiga Dhexe

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta oo ka warbixiyay maxbuus ku dhintay Xabsiga Dhexe

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

February 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray aqoon isweydaarsi hal maalin ah oo ku saabsanaa Habraaca...

Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

February 11, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan madaxda hay’adda, ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Ciraaq

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Ciraaq

February 11, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ciraaq u qaabilsan...

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo soo dhaweysay xubinimada Golaha Amaanka Midowga Afrika

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo soo dhaweysay xubinimada Golaha Amaanka Midowga Afrika

February 11, 2026
0

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa guusha taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku guulaysatay in loo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In