Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa la kulmay H.E. Namgya Khampa, Danjiraha Hindiya u fadhiya Kenya.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha laba geesoodka ah ee dhinacyada iskaashiga ganacsiga, caafimaadka, Waxbarashada iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo HIndiya.