Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay muranka ku saabsan Webiga Nile ee u dhexeeya Dowladaha Masar iyo Itoobiya.
Wasiir Axmed Ciise Cawad oo Garoowe kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhex-dhexaad ka tahay muranka la xiriira arrimaha Webiga Nile, isla markaana aysan u yeeri karin Labada dhinac.
Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya Khilaaf ku addan Wabiga Nile oo ay Itoobiya dooneyso Biyo xireenka ay sameysatay inay Albaabada u furto, Murankaas oo saameyn ku yeeshay Dalalka geeska Afrika.