Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jabriil oo booqday magaalada Namanga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 months ago
in Wararka
0
Danjire Jabriil oo booqday magaalada Namanga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qeyb ka ahaayeeen diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa booqasho dhiirigelin iyo u kuurgelidda xaaladda Nololeed ugu tegay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Namanga ee xadka Kenya uu la wadaago Tanzania.

Safiirka iyo xubnaha la socday ayaa kormeeray mashaariicyo horumarineed oo ay gamacsatadu halkaasi ka hirgeliyeen oo ay ugu horeeyaan beero ay ku tacbadeen dalagyada nuucyadiisa kala duwan, goobaha ugu waa weyn ee lagu dhaqdo digaaga, halkaasi oo uu warbixin kaga dhageystay Faarax Isaaq oo sheegay in ka badan 35 kun oo digaag ah inay halkaasi ku xanaaneeyaan iyo xarumo Waxbarasho oo ay Soomaalida halkaasi ka hirgeliyeen.

Related posts

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

March 14, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

March 14, 2026

Danjire Jabriil ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ay door muhiim ah ka qaataan isdhexgalka bulshada, horumarinta ganacsiga iyo abuurista fursado maalgashi.

Danjiraha oo booqday dusgiga sare ee gabdhaha ayaa xusay in Arday badan oo Soomaaliyeed ay ka faa’iidaysteen Iskuulaadka ku yaala dalka Kenya, isla markaana uu socdo qorshe ay waddo dowladda Soomaaliya oo ah in ardayda loo fududeeyo Jaamacadaha dalka.

“Fursado ganacsi iyo mid maalgashi ayaa halkan ka jirta, Safaaraddu waxa ay diyaar ula tahay in bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan fursadaha Maalgashi ee magaalada ka jirta”.ayuu yiri Danjire Jabriil.

Waa markii ugu horeysay taariikhda uu Safiir Soomaaliyeed booqasho iyo dhiirigelin ugu tego bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Namanga ee dalka Kenya.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulamo muhiim ah la qaatay Hay’ado kala duwa

Next Post

Howlgallo qorsheysan oo ka socda degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Next Post
Howlgallo qorsheysan oo ka socda degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Howlgallo qorsheysan oo ka socda degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda  Qatar u fadhiya Soomaaliya,...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraar uu meel mariyay Baarlamaanka gobolka...

Ciidanka NISA oo war kasoo saaray hawlgal lagu dilay xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka NISA oo war kasoo saaray hawlgal lagu dilay xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday maleeshiyaad iyo...

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In