Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jamaal Barrow oo ka qeybgalay xaflad abaalmarino lagu guddoonsiinayay arady dhameysatay barashada Qur’aanka Kariimka

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Danjire Jamaal Barrow oo ka qeybgalay xaflad abaalmarino lagu guddoonsiinayay arady dhameysatay barashada Qur’aanka Kariimka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo aheyd mid shahaadooyin lagu siinayay caruur dhameystay barashada quraanka kariimka ah ee wax ka bartay madrasada Abuubakar Sadiq ee ku taala magaalada Johannesburg ayaa waxaa kasoo qeybgalay Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Ambassador Jamaal Maxamed Barrow,qeybsanaha Arimaha diinta iyo Awqaafta Safaarada Sheikh Shariif Xamsa iyo Marti sharaf kala duwan.

Caruurta dhameysay qur’aanka kariimka ayaa halkaasi kusoo bandhigay waxyaabaha ay ka barteen madrasada Abuukar Sadiq taa oo ay aad ula dhaceen bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeybgalay munaasabadani.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed ee dalkaan Koonfur Afrika Sheekh Cabdixakiim Ismaaciil ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay isku kaashadaan sidii dhalaanka yaryar loogu barbaarin laha diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

U qeybsanaha Arrimaha diinta iyo awqaafta safaarada Soomaaliya Sheikh shariif Xamsa ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay caruuurta dhameystay barashada quraanka kariimka.

Dhanka kale xafiiska diinta iyo awqaafta safaarada Soomaaliya ee dalkaa Koonfur Afrika ayaa deeq isugu jirta lacago iyo hadiyado kale gudoonsiiyay caruur gaareysa 90 ruux  oo agoomo ah kuwaa oo u badan Somaali aabayaashood lagu dilay dalkaan Koonfur Afrika.

Si ay qeyb uga noqdaan caruurta isku diyaarineysa farxada iyo dabaaldaga maalinta ciida ayaa xafiiska waxaa uu xil iska saaray in caruurta agoomaha ay qeyb ka noqdaan diyaar garowka loogu jiro maalinta ciida sida uu sheegay Sheikh Shariif Xamsa oo  ah u qeybsanaha Arimaha diinta iyo awqaafta safaarada.

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkaan Koonfur Afrika Danjire Jamaal Maxamed Barrow ayaa sheegay in loo baahan yahay caruurta la baray quraanka loogu daro,farsamooyinka kale iyo xirfadaha gacanta.

W/D Cabdulaahi Maxamuud Amiin (C/laahi Qorshe)

Johannesburg-Koonfur Afrika.

Previous Post

AKHRISO:- WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA GOLAHA AMNIGA QARANKA EE BAYDHABO

Next Post

Ra”iisul Wasaare kuxigeenka Dalka oo soo xiray tartankii Qaran ee Qur’aan aqriska

Next Post
Ra”iisul Wasaare kuxigeenka Dalka oo soo xiray tartankii Qaran ee Qur’aan aqriska

Ra”iisul Wasaare kuxigeenka Dalka oo soo xiray tartankii Qaran ee Qur’aan aqriska

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In