Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Darajada S.Guuto oo loo xiray Gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Darajada S.Guuto oo loo xiray Gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudne Xasan Cali khayre oo wakiil ka ah madaxweynaha jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa darajada Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee darajadaas ka gaarta ciidanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dib u dhiska dalka, isaga oo sheegay in waqti dheer ay dadaal ugu jireen horumarinta qarannimada dalka, muhiimna ay tahay in loo qiro, si guusha qarannimada loo xaqiijiyo.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Qaran guulaysanaya ma jiro haddii aan qayb waliba oo bulshada kamid ah xuquuqdeeda la siinin. Haddii gabdhaha Soomaaliyeed ay bulshada ka yihiin boqolkiiba konton oo aan duudsiinno xuquuqdooda, ma dhisi karayno Soomaaliya la tartami karta waddamada deriska ah”, ayuu yiri ra’iisul wasare Xasan Cali Khayre.

“Gabar walba oo Soomaaliyeed waxa aan leeyahay haku fekerina in aad noqotaan gabdho garaadda qaata, ee noqda madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha soo socda”, ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale darajooyin u xiray saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliyeed oo tababarro ku qaatay gudaha iyo dibadda dalka si ay qayb uga qaataan dardar gelinta dadaallada adkaynta amniga dalka.

Agoosto 16, 2018 ayaa Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu darajada Sarreeeye Guuto u dallacsiiyay Zakiya Xuseen Axmed una magacaabay taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed, iyada oo noqotay gabadhii ee ugu horreysay ee derejadaas ka gaarta ciidamada ammaanka dalka.

Previous Post

Marinka Rafax oo loo furey Xujeyda Falastiiniyiinta

Next Post

Shir arrimaha socdaalka wadanka ku saabsan oo Muqdisho ka furmey + Sawirro

Next Post
Shir arrimaha socdaalka wadanka ku saabsan oo Muqdisho ka furmey + Sawirro

Shir arrimaha socdaalka wadanka ku saabsan oo Muqdisho ka furmey + Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In