Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladda iiraan oo Sheegtay inay Soo Bandhigayso Dayax Gacmeed Cusub Maalmaha Soo Socda.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 2, 2020
in Wararka
0
Dawladda iiraan oo Sheegtay inay Soo Bandhigayso Dayax Gacmeed Cusub Maalmaha Soo Socda.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa Wakaaladda Hawada ee Iiraan Murtada Beraari ayaa  warbaahinta u sheegay in dalkiisu uu isu diyaarinayo in uu dhowr maalmood gudahood ku soo bandhigo dayax-gacmeed cusub oo loogu magac daray “Dafar”, kaasoo ay hawada u diri doonaan maalmaha soo socda.

Beeraari wuxuu si kooban u sharraxay dayax gacmeedkan iyo ujeedka ay ka leedahay Dawladdiisu, isagoo tilmaamay in hirgelinta qamar sanaacigan la bilaabay saddex sano kahor, iyadoo ay ka qayb qaateen 80 aqoonyahanno iiraaniyiin ah oo ku takhasusay cilmiga dayax gacmeedyada.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Wuxuu intaa ku daray in dayax gacmeedkan culayskiisu yahay 113 KG isla markaana uu adduunka oo dhan kusoo wareegi karo 15 jeer maalin kasta, sidoo kalena uu awood u leeyahay inuu 530 FEET oo hawada ah tagi karo.

“Ujeeddada ugu weyn ee Dawladda iiraan ka leedahay una samaysatay dayax gacmeedkan waxay noqon doontaa uruurinta muuqaallo, ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah, iyo horumarinta beeraha “ ayuu yiri Beraari.

Arrintan ayaa walaac xoog leh ku abuuraysa wadamada reer galbeedka oo maraykanku ugu horreeyo, iyagoo u arka in iiraan ay qaadayso tallaabooyin ka dhan ah shuruucda caalamiga ah ayna dhibaato ku tahay nabadgelyada caalamka.

Mudane Beeraari wuxuu kaloo caddeeyey in hay’addiisu ay ku talajirto inay sidoo kale soo gabagabeeyo soo saarida shan dayax gacmeed oo dheeraad ah bisha Maarso ee sanadka soo socda 2021.

Turjumaadii :- Zakariye Khaliif Faarax
News Room – Warbaahinta Qaranka.

Previous Post

Al-Shabaab oo lagala wareegay deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan

Next Post

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo bilaabaneysa …….

Next Post
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo lasoo gaba-gabeeyay

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo bilaabaneysa .......

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In