Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladda oo soo dhawaysay Banaanbax looga soo horjeeday weerarkii Masjidka Nabiga NNKH iyo Daadinta Dhiiga Muslimiinta.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa lagu soo dhaweeyay Banaanbax balaaran oo Maanta ka dhacay Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo abaabuleen qaybaha Bulshada Soomaaliyeed kuna muujiyeen dareenkooda ku aadan Qaraxii dhawaan lala beegsaday Masjidka Nabiga NNKH iyo Xasuuqa Joogtada ah ee Argagixisadu ku hayso Muslimiinta Dunida oo ay ku jiraan Soomaalidu.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Md Maxed Cabdi Xayir[Maareeye} ayaa ku amaanay Culumada,Odayaasha Dhaqanka,Haweenka iyo dhamaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed sida ay usoo bandhigeen dareenkooda, taas oo ay ku muujiyeen sida ay Bulshada Soomaaliyeed uga soo horejeedo Falalka Argagixisada, diyaarna ugu tahay in ay ka qaybqaadato Dagaalka ay Dawladda Soomaliya kula jirto Kooxahaas.astaanta-qaranka1

Wasiirka ayaa sheegay in ay Dawladdu Fulinayso dareenka iyo rabitaanka Banaanbaxayaasha ee ah in la xoojiyo ladagaalanka Alshabaab, wuxuuna ku booriyay Bulshada in ay sii wadaan muujinta Dareenkooda ka dhanka ah kuwa caadaystay daadinta Dhiiga Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay si joogto ah u beegsanayaan, wuxuuna Wasiirku  ka dalbaday Bulshada Soomaaliyeed in ay ku garab istaagaan Dawladda iyo Ciidamada qalabka sida Ladagaalanka Argagixiasada.

Dawladda Soomaaliya waxeey u aragtaa Dagaalka Argagixisadu in uu yahay mid ay ku burburinayaan Dawladaha iyo Shucuubta Islaamka, iyagoo ku been abuuranaya Magaca Muslimiinta, waxeeyna ku baaqaysaa Dawladdu in lagu qaado Dagaal Shacbi ah si looga hortago Ficiladooda gurucan.

Ugu danbayn, Dawladda Soomaaliya waxeey dardargalinaysaa Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, waxeeyna markale ugu baaqaysaa Dadwaynaha Soomaaliyeed in ay si dhab ah uga qayb-qaataan tirtirista Kooxahaas,,iyadoo Dawladdu ugu mahadcelinaysa Qaybaha Bulshada ee Muqdishu muujinta Dareenkooda, isla markaana Dawladdu waxeey ugu baaqaysaa Shacabka ku nool GobaladaDalka iyo Dibada in ay iyana muujiyaan Dareenkooda.

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta oo la kulmay mas’uul ka tirsan dowladda Jaban “SAWIRRO”

Next Post

Wasiir Maareeye: “Dowladdu ma mamnuucin mooto Bajaaj”

Next Post
Wasiirka warfaafinta oo ka hadlay weerarka argagixiso ee lagu qaaday hotel Saxafi “Dhageyso”

Wasiir Maareeye: "Dowladdu ma mamnuucin mooto Bajaaj"

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In