Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Dawladda Turkiga Oo Sheegtay Inay Sii Wadayso Taageerada Ay Siiso Dawladda Caalamku Aqoonsanyahay Ee Liibiya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Dawladda Turkiga Oo Sheegtay Inay Sii Wadayso Taageerada Ay Siiso Dawladda Caalamku Aqoonsanyahay Ee Liibiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Ibrahim Kalin oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka waramay arrimo kala duwan oo dhinaca siyaasadda u badan oo ay kamid tahay xiriirka Dawladda Turkiga kala dhexeeya Dawladda calamku aqoonsanyahay ee Liibiya.

Ibrahim Kalin waxa uu tilmaamay in qorshaha Dawladda Turkiga ee arrimaha Liibiya uu yahay mid cad oo aan qarsoodi ahayn, isla markaana ay ka go’an tahay inay garab iyo taageero siiyaan Dawladda Liibiya ee uu hogaamiyo Fayez Mustafa Al-Sarraj.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026

“Turkigu wuu sii wadi doonaa taageerada aan siineyno dowladda Liibiya si guul looga gaaro xaaladda nabadeed ee dalkaasi, isla markaana heshiis loo dhex dhigo dhinacyada isku haya xukunka Liibiya” ayuu yiri Afhayeenka Turkigu.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in faragalinta Turkigu ku sameeyey Liibiya ay wax badan ka bedeshay xaaladda Liibiya, isla markaana Madaxweynaha Dawladda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu qorshihiisa siyaasadeed yahay in is bedel lagu sameeyo xaaladda Liibiya si loo helo degenaansho iyo nabad.

Wuxuu xusay in Dawladda Liibiya ee caalamku aqoonsanyahay ee uu hogaamiyo Fayez Mustafa Al-Sarraj ay qaadatay mowqifyo wanaagsan oo ku aadan dariiqa ay u marayso degenaanshah iyo nabadda dalka Liibiya.

W/D: Zakariye Khaliif Faarax

Previous Post

Taliska qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka oo digniin adag u jeediyay askar dhawaan ku dagaalantay Jowhar “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Warfaafinta Oo 20-ka Bishan Daah Furaysa Tartan Dalxiis Oo Guud Ahaan Dalka Oo Dhan Ah “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Warfaafinta Oo 20-ka Bishan Daah Furaysa Tartan Dalxiis Oo Guud Ahaan Dalka Oo Dhan Ah “SAWIRRO”

Wasaaradda Warfaafinta Oo 20-ka Bishan Daah Furaysa Tartan Dalxiis Oo Guud Ahaan Dalka Oo Dhan Ah “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

April 8, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa la kulmay Mudane Raisedon Zenenga, Ku simaha Madaxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In