Tuesday, June 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hanti-dhowraha Qaranka oo dacwad ka gudbiyey xubnihii saxiixay heshiiskii Shidaalka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
February 20, 2022
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Hantidhawraha Guud Ee Qaranka Oo Ka Qeyb Galay Shirka Caalamiga Ee Hay’adaha Hantidhawrka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa lagu laalay heshiiskii ay wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya la gashay shirkadda shidaalka baarta ee Coastline Exploration Ltd, oo laga leeyahay dalka Mareykanka, iyadoo xafiiska Hantidhowrku uu wasaaradda iyo hay’adaha ay khusayso ogaysiiyay in uu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan.

Sidoo kale qoraalka Hantidhowraha dalka waxaa lagu shaaciyey in gal-dacwadeed uu u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado ciddii ku lugta lahayd. Sidoo kale Hantidhowraha ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble kula taliyay in shaqa ka joojin lagu sameeyo dhammaan shaqsiyaadkii qabyta ka ahaa saxiixa heshiiskaas.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

June 2, 2025
Madaxwaynaha Galmudug oo  daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

Madaxwaynaha Galmudug oo daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

June 2, 2025

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxaa uu dib-u-eegis ku sameeyay hannaanka iyo habraacyada loo maray heshiiska la shaaciyay inuu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee ku aaddanaa bixinta toddobo xirmood oo shidaalka Soomaaliya ah.

Waxaa Xafiiska dib-u-eegistaas uga soo baxday in si toos ah loo baalmaray Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee JFS, Sharciga Iibka Qaranka (Sharci Lr. 22 iyo wax-ka-beddelkiisa), Sharciga Batroolka (Sharci Lr. 19) iyo habraacyada dhaqan-galka ah ee dalka, kuwaas oo loo asteeyay in lagu maamulo gelidda heshiisyada caalamiga ah.

Taallaabadaas ayaa khatar mug leh ku ah khayraadka ummadda Soomaaliyeed iyo dhawritaanka dhigaalka hantiyeed ee jiilka mustaqbalka.

Haddaba, XHGQ isaga oo gudanaya waajibaadkiisa Qaran ayaa waxa uu ku wargeliyay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo hay’adaha ay khuseysaba in uu heshiiskaas gabi ahaanba waxba kama jiraan yahay.

Sidoo kale, Xafiisku waxaa uu warqad u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’addaha ku shaqada leh, si loo hubiyo loogana gun-gaaro haddii ay jiraan falal musuq ah oo saameyn ku leh saxiixa heshiiska sharci darrada ah ee ay ku lugta lahayd shirkadda Coastline Exploration Ltd, iyadoo la tixraacayo shuruucda dalkeenna, U.S. Foreign Corrupt Practices Act (FCPA) iyo shuruucda kale ee caalamiga ah.

Intaa waxaa dheer in XHGQ uu gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka si ay waajibaadkooda sharciga waafaqsan uga gutaan, natiijada baaristana ay ula wadaagaan ummadda Soomaaliyeed.

Sidaas si la mid ah, XHGQ isaga oo ka jawaabaya codsi ka soo gaaray Ra’iisul Wasaaraha XFS kaas oo ku qotomay in baaris lagu sameeyo heshiiska sharci darrada ah, ayaa Xafiiska waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha XFS la socodsiiyay in uu gutay waajibaadkii arrinkaan kaga aaddanaa.

XHGQ ayaa ku taliyay in Ra’iisul Wasaarahu uu shaqo ka joojin ku sameeyo dhammaan shakhsiyaadka ku lugta leh saxiixa heshiiska sharci darrada ah illaa iyo inta laamaha garsoorka ay waajibaadkooda kaga aaddan ka gudanayaan.

Ugu danbayn Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka waxa uu mar walba u taaganyahay ilaalinta hantida ummadda Soomaaliyeed iyo hubanti-galinta in la dhaqan galiyo shuruucda dalka. Iyada oo taa laga duulayo, waxaan markale xusuusinaynaa hay’adaha Dowladda in ay ka dhawrsoonaadaan ku tagri-falka hantida dadweynaha iyo baalmarka shuruucda dalka.

DHAMMAAD

Previous Post

Doorashada lix ka mid ah kuraasta golaha shacabka oo ka dhacday Beledweyne

Next Post

Doorashada kuraasta golaha shacabka ee gobollada waqooyi oo maanta ku eg

Next Post
Doorashada kuraasta golaha shacabka ee gobollada waqooyi oo maanta ku eg

Doorashada kuraasta golaha shacabka ee gobollada waqooyi oo maanta ku eg

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

June 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha...

Madaxwaynaha Galmudug oo  daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

Madaxwaynaha Galmudug oo daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

June 2, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmugid ka qayb galay...

Duqeeymo lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Khawaarijta oo laga fuliyay Jubbada Dhexe

Duqeymo Cirka ah oo lagu beegsaday Kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia

June 2, 2025
0

Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay laba duqeyn oo cirka ah oo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta u ambabaxay Jamhuuriyadda aan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In