Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa isugu soo baxay gobolada iyo degmooyinka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
Shacabka ayaa si weyn u muujiyey sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Yuhuuddu kula kacday midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed,waxay ba shacabku si weyn dunida u tuseen in ay ka go’an tahay difaaca dalkooda.
Degmooyinka Hobyo,Dhuusamarreeb iyo Guriceel ayey shacab si weyn ugu dhigeen isu soo baxyo balaadhan oo si weyn ugu muujiyeen shucuurtooda.
Degmooyinka iyo deegaanada kale ee maamul goboleedka Galmudug ayey iyagana si weyn uga socdaan banaanbaxyo waaweyn oo shacabku ku muujinayaan difaaca midnimada dalka.










