Shiikh Xuseen Guddoomiye ku xigeenka Arrimah bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay inay si wanaagsan u maamuleen deeqย dhawaan lagu wareejiyay Maamulka Hiiraan taasoo loogu talo galay Caawinta dadka abaartu ku saamaysay ka timid dowladda turkiga.
Shiikh Xuseen ayaa tilmaamay inay wali abaar daran ka jirto Gobolka Hiiraan taasina aysan ka dhignayn in ay ku filan tahay deeqdaani Bulshada Gobolka.
Balse ay kaga mahad celinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha Caalamka sida ay u garab taagan yihiin bulshada ku nool Gobolka Hiiraan.
Gobolka hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa ka mid ah Gobolada ay ka jirto abaar xoogan oo saamaysay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa beeralayda iyo Xoolo dhaqatada ah.
Halkaan hoose ka dhageyso:ย
ย