Xalfaddaan oo ahayd mid Tababar loogu soo xirayay in kabadan 30 Haweenka ah oo Bartay Xirfadda Tolista Harqaanka ayaa maanta lagu qabtay Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.
Haweenkaan ayaa laga soo kala xulay Degmooyinka Kaaraan, Warta nabadda iyo Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, iyagoo waxbadan ka faa’iiday Xirfaddii la baray.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyayaasha Degmooyinkii laga soo kala xulay Haweenkaas xirfadda Harqaan tolista labaray iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir. .
Ardayda loo soo Gabagabeeyay Tababarkaan ayaa u mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxdii dagmooyinka soo qaban qaabiyay Tababarkaan, waxeyna sheegeen in ay ka barteen Xirfad aysan horay u aqoon Diyaarna ay u yihiin inay ku shaqeystaan Xirfadda la baray.
Gudoomiyaha Degmada Xamarweyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in Codsi kaga yimid Maamulka Degmooyinka ay u soo qaban qaabiyeen Tababarkaan, waxa uuna ku dhiiri galiyay inay ku Shaqeystaan Xirfada la baray Haweenkaan ..
Guddoomiye ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa Ardayda kula Dar-Daarmay in ay Xirfadda ay Barteen Bulshada ugu Faa’iiideeyaan.