Monday, June 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRADA-Dhallinyaro wax ku soo bartay dalka Malaysia oo urur cusub sameystay.

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRADA-Dhallinyaro wax ku soo bartay dalka Malaysia oo urur cusub sameystay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladaan lagaga dhawaaqay urur cusub oo ay ku mideysanyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo  aqoon yahanno wax ku soo bartay Dalka Malaysia, looguna magac daray SOMAL kaas oo laga soo gaabsay Somali Malaysia Alumni ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo Heeso Cayaaraha hidaha iyo Dhaqanka ay goobta ka qaadeen Kooxda Ifiye Band.

Guddoomiyaha ururkan cusub Siciid Cabdi ayaa ugu horeyn goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in sababta loo sameeyey ururkan iyo ujeedooyinkiisa ay tahay sidii ay u mideyn lahaayeen dhallinarada wax ku soo bartay dalka Malaysia iyo dadka kale ee halkaasi ku nool, si ay isaga war qabaan oo ay uga qeyb qaataan horumarka dalka.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026

Dr Cabdullai Faarax Bedel oo ka mid ah Aqoonyahanada lagu martiqaaday xafladda isla markaasna wax ku soo bartay Dalka Malaysia ayaa ku boriyey Aqoonyahanada Ururka SOMAL in ay ka qeyb qaataan kaalinta uga aadan horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Ugu danbeytii Gudoomiye ku-xigeen Maamulka iyo Maaliyadda ee Jaamadda SIMAD oo ka yimid Dalka Malaysia, kana mid ah dadka wadankaasi wax ku soo bartay Eng Maxamud Maxamed Calasow  ayaa ugu hambalyeeyay dhalinyarada ku midowday Ururkan, waxaana uu u sheegay in dalka iyo Dadka ay ka sugayaan inay la yimaadaan isbadal muuqdo oo wax u tari karta bulshada Soomaaliyeed.

Sanadiihii ugu danbeeyey waxaa dalka ku soo badanaayey dhallinyarada aqoonyahanada ee dalalka dibadiisa waxa ku soo baratay, taasoo wax ka tari doonta dib u soo kabashadda Dalka Soomaaliya.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

DAAWO SAWIRADA-Carruur farxadda ciidda darteed loo qeybiyay lacag.

Next Post
DAAWO SAWIRADA-Carruur farxadda ciidda darteed loo qeybiyay lacag.

DAAWO SAWIRADA-Carruur farxadda ciidda darteed loo qeybiyay lacag.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
0

Nairobi, Kenya – 22 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo ku guda jira dardargelinta howlaha diyaarinta maalmaha Xorriyadda,...

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

June 22, 2026
0

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan ee Muqdisho ayaa maanta Howladeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS u sameeyay baaritaan caafimaad oo...

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

June 22, 2026
0

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In