Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRADA-Dhallinyaro wax ku soo bartay dalka Malaysia oo urur cusub sameystay.

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRADA-Dhallinyaro wax ku soo bartay dalka Malaysia oo urur cusub sameystay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladaan lagaga dhawaaqay urur cusub oo ay ku mideysanyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo  aqoon yahanno wax ku soo bartay Dalka Malaysia, looguna magac daray SOMAL kaas oo laga soo gaabsay Somali Malaysia Alumni ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo Heeso Cayaaraha hidaha iyo Dhaqanka ay goobta ka qaadeen Kooxda Ifiye Band.

Guddoomiyaha ururkan cusub Siciid Cabdi ayaa ugu horeyn goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in sababta loo sameeyey ururkan iyo ujeedooyinkiisa ay tahay sidii ay u mideyn lahaayeen dhallinarada wax ku soo bartay dalka Malaysia iyo dadka kale ee halkaasi ku nool, si ay isaga war qabaan oo ay uga qeyb qaataan horumarka dalka.

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

Dr Cabdullai Faarax Bedel oo ka mid ah Aqoonyahanada lagu martiqaaday xafladda isla markaasna wax ku soo bartay Dalka Malaysia ayaa ku boriyey Aqoonyahanada Ururka SOMAL in ay ka qeyb qaataan kaalinta uga aadan horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Ugu danbeytii Gudoomiye ku-xigeen Maamulka iyo Maaliyadda ee Jaamadda SIMAD oo ka yimid Dalka Malaysia, kana mid ah dadka wadankaasi wax ku soo bartay Eng Maxamud Maxamed Calasow  ayaa ugu hambalyeeyay dhalinyarada ku midowday Ururkan, waxaana uu u sheegay in dalka iyo Dadka ay ka sugayaan inay la yimaadaan isbadal muuqdo oo wax u tari karta bulshada Soomaaliyeed.

Sanadiihii ugu danbeeyey waxaa dalka ku soo badanaayey dhallinyarada aqoonyahanada ee dalalka dibadiisa waxa ku soo baratay, taasoo wax ka tari doonta dib u soo kabashadda Dalka Soomaaliya.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

DAAWO SAWIRADA-Carruur farxadda ciidda darteed loo qeybiyay lacag.

Next Post
DAAWO SAWIRADA-Carruur farxadda ciidda darteed loo qeybiyay lacag.

DAAWO SAWIRADA-Carruur farxadda ciidda darteed loo qeybiyay lacag.

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In