Thursday, December 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhaqan-galka Xeerka Saxaafadda wuxuu lagama maarmaan u yahay hanaqaadka Warbaahin waxdhista-Faalo

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Xeerka Saxaafadda: Yaa ah Wariye?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

December 10, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

December 10, 2025

Qaabka war is gaarsiinta waxay ahayd baahi la soo bilaabatay nolosha aadanaha, waxaana intii aan la soo saarin Teknaloojiyada casriga ee warbaahinta xilliyadii hore dadku waxay warka isku gaarsiin jireen , habab kala duwan sida in dab wayn la shido habeenkii, in fardo dheereeya la adeegsado si laba deegaan oo kala fog warka u wadaagaan iyo in geedo dheer la koro oo qaab Qaylo dhaan ah warka la isugu tabiyo.
Qarniyadii 19 aad iyo kii 20 aad oo ahaa xilliyadii la soo saaray warbaahinada maanta la isticmaalo sida;Raadiyaha iyo taleefishinada ayaa noqotay waddo fudud oo dadka dunida xogta isugu gudbiyaan.
Dhinaca warbaahinta Soomaalida haddaan dib u milicsanno Raadiyihii ugu horeeyay ee afsoomaali ku hadla ee laga furo dalka Soomaaliya wuxuu ahaa Radiyo Goodir oo laga furay Magaalada Hargaysa 1948, 1951 diina waxaa la furay Radiyo Muqdisho.
Inkasta oo Xornimada ka hor iyo kadibba la helay a horumar yar oo ay sameeyeen wargaysyadii dalka ka soo bixi jiray, hadana waxaa xakameeyay oo soo koobay taliskii milatariga ahaa ee talada dalka la wareegay 1969kii,kaasi oo ugu horeyntiiba joojiyay Xoriyaddii hadalka.
Qoraalkii farta Soomaaliga 21kii Octobar 1972dii, waxay horseeday in saddax bilood kadib,21 janaayo 1973dii uu soo baxo Wargeyskii ugu horeeyay ee ku soo baxa Afka Soomaaliga,maalintaas oo loo aqoonsaday maalinta Warfaafinta Soomaaliya.
Kadib burburkii dalka ka dhacay waxaa dalka ka abuurmay warbaahinno si gaar ah loo leeyahay oo isugu jiray Wargaysyo, idaacaddo iyo Talefishinno kuwaasi oo ku Shaqaynayay qaab furan oo aysan dalka ka jirin shuruuc saxaafadeed oo si cad u qeexaysa madaxbannaanida Saxaafadda iyo qaanuunkii hagi lahaa.
Sidaa daraadeed dhowrkii sano ee la soo dhaafay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska iyadoo la kaashanaysa ururrada suxufiyiinta, qeybaha warbaahinta iyo khubaro Saxaafadeed waxaa si aad u xeel dheer oo daahfurnaan leh looga dooday loona dhiraandhiriyay qaabka ugu wanaagsan ee loo dhigi lahaa Xeerka Saxaafadda dalka.
Dhanka kale Golaha Xukuumadda ee dalka oo xilliyo kala duwan doodo ka yeeshay xeerka Saxaafadda ayaa ansixiyay isla markaana u gudbiyay Baarlamaanka si ay u turxaan bixiyaan kadibna sharci u noqdo 28-12-2015 kii Golaha Shacbiga qaranka wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerkii Saxaafadda.
Talaabadii ugu danbaysay ee meelmarinta Xeerkaas waxaa qaaday Madaxweynaha jamhuuriyadda Md:Xasan Sheekh Max’uud oo saxiixay 09-01-2016ka, waxaana lagu soo saaray faafinta rasmiga ee Jamhuuriyadda. Markaasi oo uu noqday sharci ka mid ah Shuruucda dalka.
Dhaqan galka sharcigan saxaafadda wuxuu si aan mugdi ku jirin u damaanad qaadayaa madaxbanaanida saxaafadda,iyo is dhaafsiga aragtiyaha kala duwan iyo dhanka kale in Saxaafadda dalku noqoto mid wax dhista ee aan wax dumin.
W/D: Abuukar Xaaji Goob-doon oo ah tifaftiraha SNTV

Previous Post

Howlgal lagu diley tiro Al-shabab ah oo laga sameeyay Hiiraan

Next Post

Saraakiil kormeertay xarumaha qeybta 21 aad ee ciidanka xooga

Next Post
Saraakiil kormeertay xarumaha qeybta 21 aad ee ciidanka xooga

Saraakiil kormeertay xarumaha qeybta 21 aad ee ciidanka xooga

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

December 10, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankii 20-aad ee kalfadhiga 7-aad,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

December 10, 2025
0

Muqdisho, Arboco, 10 Diseembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo sii wada kulamada uu la...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.   

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.  

December 10, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga...

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

December 10, 2025
0

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (10-ka December) ayaa sanadkan si gaar ah diiradda u saaraysa kor u qaadista...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In