Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhaqan-galka Xeerka Saxaafadda wuxuu lagama maarmaan u yahay hanaqaadka Warbaahin waxdhista-Faalo

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Xeerka Saxaafadda: Yaa ah Wariye?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Qaabka war is gaarsiinta waxay ahayd baahi la soo bilaabatay nolosha aadanaha, waxaana intii aan la soo saarin Teknaloojiyada casriga ee warbaahinta xilliyadii hore dadku waxay warka isku gaarsiin jireen , habab kala duwan sida in dab wayn la shido habeenkii, in fardo dheereeya la adeegsado si laba deegaan oo kala fog warka u wadaagaan iyo in geedo dheer la koro oo qaab Qaylo dhaan ah warka la isugu tabiyo.
Qarniyadii 19 aad iyo kii 20 aad oo ahaa xilliyadii la soo saaray warbaahinada maanta la isticmaalo sida;Raadiyaha iyo taleefishinada ayaa noqotay waddo fudud oo dadka dunida xogta isugu gudbiyaan.
Dhinaca warbaahinta Soomaalida haddaan dib u milicsanno Raadiyihii ugu horeeyay ee afsoomaali ku hadla ee laga furo dalka Soomaaliya wuxuu ahaa Radiyo Goodir oo laga furay Magaalada Hargaysa 1948, 1951 diina waxaa la furay Radiyo Muqdisho.
Inkasta oo Xornimada ka hor iyo kadibba la helay a horumar yar oo ay sameeyeen wargaysyadii dalka ka soo bixi jiray, hadana waxaa xakameeyay oo soo koobay taliskii milatariga ahaa ee talada dalka la wareegay 1969kii,kaasi oo ugu horeyntiiba joojiyay Xoriyaddii hadalka.
Qoraalkii farta Soomaaliga 21kii Octobar 1972dii, waxay horseeday in saddax bilood kadib,21 janaayo 1973dii uu soo baxo Wargeyskii ugu horeeyay ee ku soo baxa Afka Soomaaliga,maalintaas oo loo aqoonsaday maalinta Warfaafinta Soomaaliya.
Kadib burburkii dalka ka dhacay waxaa dalka ka abuurmay warbaahinno si gaar ah loo leeyahay oo isugu jiray Wargaysyo, idaacaddo iyo Talefishinno kuwaasi oo ku Shaqaynayay qaab furan oo aysan dalka ka jirin shuruuc saxaafadeed oo si cad u qeexaysa madaxbannaanida Saxaafadda iyo qaanuunkii hagi lahaa.
Sidaa daraadeed dhowrkii sano ee la soo dhaafay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska iyadoo la kaashanaysa ururrada suxufiyiinta, qeybaha warbaahinta iyo khubaro Saxaafadeed waxaa si aad u xeel dheer oo daahfurnaan leh looga dooday loona dhiraandhiriyay qaabka ugu wanaagsan ee loo dhigi lahaa Xeerka Saxaafadda dalka.
Dhanka kale Golaha Xukuumadda ee dalka oo xilliyo kala duwan doodo ka yeeshay xeerka Saxaafadda ayaa ansixiyay isla markaana u gudbiyay Baarlamaanka si ay u turxaan bixiyaan kadibna sharci u noqdo 28-12-2015 kii Golaha Shacbiga qaranka wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerkii Saxaafadda.
Talaabadii ugu danbaysay ee meelmarinta Xeerkaas waxaa qaaday Madaxweynaha jamhuuriyadda Md:Xasan Sheekh Max’uud oo saxiixay 09-01-2016ka, waxaana lagu soo saaray faafinta rasmiga ee Jamhuuriyadda. Markaasi oo uu noqday sharci ka mid ah Shuruucda dalka.
Dhaqan galka sharcigan saxaafadda wuxuu si aan mugdi ku jirin u damaanad qaadayaa madaxbanaanida saxaafadda,iyo is dhaafsiga aragtiyaha kala duwan iyo dhanka kale in Saxaafadda dalku noqoto mid wax dhista ee aan wax dumin.
W/D: Abuukar Xaaji Goob-doon oo ah tifaftiraha SNTV

Previous Post

Howlgal lagu diley tiro Al-shabab ah oo laga sameeyay Hiiraan

Next Post

Saraakiil kormeertay xarumaha qeybta 21 aad ee ciidanka xooga

Next Post
Saraakiil kormeertay xarumaha qeybta 21 aad ee ciidanka xooga

Saraakiil kormeertay xarumaha qeybta 21 aad ee ciidanka xooga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In