Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgalo ka sameeyay deegaano ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana howlgalkaasi lagu diley afar ka tirsan maleeshiyaadfka kooxda Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.
Howlgalka, ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa maleeshiyaad iskood isku abaabuley oo ah dadka deegaanka, kadib markii ay ka dhiidhiyeen dhibaatada joogtada ah oo alshabab ay u geysanayaan dadka shacabka ah.
Dadka deegaanada howlaglka laga sameeyay ayaa si weyn u soo dhaweeyay, waxayan sheegeen in ay talaabadan ay tahay mid kaga nafisayaan dhibaatada kooxda Al-shabaab.
Saraakiisha ciidanka xooga dalka, ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada noocaan ah si maleeshiyaadka kooxda nabad diidka ah looga dulqaado shacabka Soomaaliyeed ee ku nool goobahaasi.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ญ๐๐๐๐๐๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐๐๐๐๐๐ข๐ข ๐๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฆ๐๐๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐ย
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...












