Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhaqanka dad qalatada ah ee Al-Shabaab Diinta Islmaanka raad kuma laha.

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Dhaqanka dad qalatada ah ee Al-Shabaab Diinta Islmaanka raad kuma laha.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhammaan culimada Soomaaliyeed ayaa marar badan ka hadlay dhaqanada xun xun ee Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan dadka Muslimiinta ah iyagoo adeegsanaya magaca Diinta Islaamka.

Diinteena suuban ee islmaanka ayaa ayaa meel sare gaarsiisay ilaalinta Qofka Muslimka ah, naftiisa, maalkiisa iyo sharafkiisa, waxaana taasi badalkeeda Al-Shabaab ay caadaysteen inay si toos ah ugu xadgudaan waxkasta oo diinta islmaanka ay ilaalisay.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

January 10, 2026
Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026

Alle wuxuu Quraankiisa noogu sheegay qof kasta oo si kasta ah u dilay Qof Muslim ah, in abaal marintiisu ay noqon doonto Naarta Jahanamo isagoona ku waaraya, taas oo ay u dheertay inuu Alle u caroodo islamaarka ay ku dhacdo Nacladda Alle.

Dhanka kale Culumada Al-Azhar Alshariif ee dalka Masar oo ah Xarunta diimeed ee ugu caansan caalamka Islaamka ayaa dhowaan soo saartay fatwo iftiiminaysa sida argagixisada Alshabaab ay u baal marsanyihiin Diinta Islaamka.

Farriinta Culumada ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay caadeysteen ficillada gurracan ee hareer marsan diinta Islaamka, isla markaasna manhajka ay ku dhisanyihiin uu yahay mid been abuur ku ah shareecada Alle.

Culumada Islaamka ee Al-azhar ayaa tilmaamay in Alshabaab ay si xaqdarro ah u daadinayaan dhiigga Muslimiinta iyagoona adeegsanaya magaca diinta, waxa adkeeyeen xurmadu ay leeyahay qofka muslimka ah naftiisa, hantidiisa iyo sharafkiisaba.

Farriintan ayaa culumada Islaamku si weyn ugu beeniyeen marmarsiiyaha Alshabaab ee ku salaysan dhibaateynta dadka rayidka ah, iyadoona culummadu ay soo bandhigeen shuruudaha adag ee diinta Islaamku ay hordhigtay fulinta xadka ama ciqaabta sharciga ah ee ku waajibta qofka muslimka ah ee dambiga gala, taas oo ay waajib tahay in la dhawro ka hor inta aan qofna xad lagu xukumin.

Bayaanka Culummada Al-azhar ay soo saareen ayaa waxa ay ku xaqiijiyiin in dilalka ay geeysteen argagixisada Alshabaab, dadka ay xadka ku xukumeen iyo kumanaanka muslimka ah ay dhibaateeyeen ay tahay xaqdarro weyn oo Alle ku ciqaab doono qof kasta oo ka qeyb qaatay.

“Dilalka iyo guud ahaan xadadka ay fuliyeen, waxa ay ahaayeen kuwo xaq darro ah oo aysan ka muuqan sifooyinka ugu yar ee xad lagu fuliyo,  waxaanna loo soo saaray si hareer marsan shareecada Islaamka, kuwa xukunnadaas dadka lagu dhibaateeyey soo saarayna waa arxan laawayaal aan aqoon u lahayn sharciga Alle iyo Sunnada Rasuulkeenna SCW.”

Culumada bayaanka soo saaray ayaa ugu baaqay dhallinyarada la marin habaabiyey in ay Alle uga toobad keenaan danbigaan weyn ay ka galeen umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelkooda iyo qaraabadooda oo maalin walba ay dhibaateeynayaan, iyadoona Culumaddo ay xasuusiyiin xagjiriinta Alshabaab Manahjkii naxariista ku saleysnaa ee Rasuulka CSW uu kula dhaqmi jiray xitaa dadka ay gaalnimadoodu caddahay ama munaafiqiinta ahaa ee Madiina kula noolaa.

Hadaba isku soo wada duuboo bayaanada ka soo baxay culimada Soomaaliyeed iyo culimada Caalamka marmar badan ayaa muujinaya in dhaqanka dad qalatada ah ee Al-Shabaab uusan sal iyo Raadba ku lahayn Diinteena Suuban ee islmaanka.

Previous Post

Adoon fahmin ha fal-celin! Faallo

Next Post

Taliyaha CXD oo tabbabar u furay cutubyo ka tirsan ciidanka ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtoyada Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha CXD oo tabbabar u furay cutubyo ka tirsan ciidanka ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtoyada Qaranka “SAWIRRO”

Taliyaha CXD oo tabbabar u furay cutubyo ka tirsan ciidanka ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtoyada Qaranka "SAWIRRO"

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Danjiraha JFS ee South Africa Amb. Mohamed Sheikh issak, ayaa shalay uga qeybgalay shir Magaalada Rustenburg ee gobalka Northwest...

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo taageertay...

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo kala jeeda maamullada Puntland, Jubbaland iyo Waqooyi Bari...

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In