Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhismaha dekadda Hobyo oo laga tashanayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dhismaha dekadda Hobyo oo laga tashanayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga hadlayay sidii dhisme casri ah loogu bilaabi lahaa Dekadda Hobyo ee gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Cadaado kaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dawlad goboleedka Galmudug.

Kulanka ayaa yimid markii quburo ka socotay shirkad dhismaha ka shaqeeya oo fadhigoodu yahay dalka Shiinaha oo todobaadkan ku sugnaa deegaanada Dawlad goboleedka Galmudug, isla markaana kormeeray Dekada qadiimiga ah ee Hobyo, dhismaha wadooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo laga bilaabay ee la doonayo in Hobyo la geeyo, kuwaasi oo dib ugu laabtay Cadaado.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Shirka ayaa waxaa warbixino looga dhageysayay xubno la socday quburada ajaaniibta ah, kuwaasi macluumaadkii kormeerka lagu soo aruuriyay la wadaagayay mas’uuliyiinta kale, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in mashaariicdaasi sahanka loo samaynayo lagu guulaysto.

Khuwan Ju oo madax u ah shirkadda sahanka samaynaysay ayaa sheegay in macluumaadka ay soo ogaadeen uu muujinayo kalsooni lagu howlgali karo.

Wasiir ku-xigeenka howlaha guud ee dawlad goboleedka Galmudug Axmed Ilkacase ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sidii loo abuuri lahaa ilo dhaqaale oo maamulka iyo bulshaduba ka faa’iideysato.

Galmudug ayaa dadaal ugu jirta dhismaha Dekada degmada Hobyo ee gobolka Mudug, taas oo loo arko inay noqon karto isha dhaqaalaha ugu muhiimsan ee deegaanka.

DSC00032 DSC00035 DSC00037 DSC00038 DSC00040 DSC00041 DSC00045 DSC00047 DSC00050 DSC00054 DSC00059 DSC00065 DSC00067

Previous Post

Hooyo dhashay saddex mataanno ah oo codsatay in gurmad loo fidiyo “Dhageyso

Next Post

Wasiirka Dastuurka “30-ka Maarso waa la soo gabo gabeyn doonaa dib u eegista dastuurka”

Next Post
Wasiirka Dastuurka oo la kulmay Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland

Wasiirka Dastuurka “30-ka Maarso waa la soo gabo gabeyn doonaa dib u eegista dastuurka”

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In