Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhul-gariir baaxad leh oo saaka ka dhacay Dalka Indonesia

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Dhul-gariir baaxad leh oo saaka ka dhacay Dalka Indonesia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhulgariir cabbirkiisu sarreeyo ayaa subaxnimadii hore ee saaka ku dhuftay bariga dalka Indonesia, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta dhulka ee Mareykanka (USGS), iyadoo digniino laga soo saaray surtagalnimada mowjado dhulgariir ah oo ku dhufta dalka Indonesia

Dhul-gariirku wuxuu ka dhacay waqooyiga jasiiradda Flores ee gobolka Nusa Tenggara ee bariga Indonesia ayaa cabbirkiisu lagu qiyaasay 7.3 RS, halkaasoo dhulgariirku ka dhashay argagax ka dib markii uu dhacay 0320 GMT.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Hay’adda saadaasha hawada ee Indonesia,Climatology, iyo Geophysical Agency oo loo yaqaan BMKG ayaa goor sii horaysay sheegtay dhulgariirkan cabirkiisu ahaa 7.4, waxayna ka digtay “Tsunami suurtagal ah”.

“Garoonka ayaan ku sugnaahay,dadkii waa ay argagaxeen waan cabsanayanaa,” ayuu yiri Nuraini, oo deggan jasiiradda Adonara ee gobolka East Flores, isagoo la hadlayay AFP.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo dhimasho iyo dhaawac ah ee  ka dhashay deegaannada laga dareemay dhulgariirku, balse maamulka ayaa ku baaqay in laga digtoonaado.

Digniino ayaa laga soo saaray deegaanada ay ka mid yihiin Maluku, East Nusa Tenggara, Galbeedka Nusa Tenggara,Koonfur Bari iyo Koonfurta Sulawesi, ka dib markii dhulgariirku uu ku dhuftay meel 112 km (69.59 miles) waqooyi galbeed kaga beegan Larantuka, oo ku taal bariga Flores.

Dhulgariir cabirkiisu yahay  5.6 ayaa ku dhuftay Larantuka kadib dhulgariirkii ugu horeeyay, sida ay wararku sheegayaan.

Dhulgariirkii ugu xumaa ee Indonesia ka dhacay ayaa cabirkiisa lagu sheegay 9.1 oo ku dhuftay xeebta Sumatra sanadkii 2004-tii, waxaana ku dhintay in ka badan 220,000 oo ku noola gobolkaasi oo ay ku jiraan ilaa 170,000 oo Indonesia.

Previous Post

Abaarta ka jirta Galmudug oo ay dad u dhinteen

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada Wararka Radio Muqdisho.

Next Post
Faaqidaada Wararka

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada Wararka Radio Muqdisho.

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In