Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay Xarunta Lr.2 ee Taleefanada Dalka ee ku taallay Degmada Boondheere agagaarka Taalada Xaawo Taako.
Munaasabadda lagu wareejinayey waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Isgasrsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq.
Xaruntan oo 30-kii sano ee lasoo dhaafay ay gacanta ku hayeen Shacab Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in ay ku faraxsan yihiin in ay wareejiyaan hantidan si shuuruud la’aan ah kuna wareejiyay Wasaaradda.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Cabdicasiis Duwane Isaq oo ka hadlay munaasabadda lagu wareejinaayey xarunta labaad ee Taleefanada Wasaaradda ayaa sheegay in xaruntaan ay muhiim u tahay Wasaaradda.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa u mahadceliyay Shacabkii soo wareejiyay Xarunta..”Maanta waa maalin kale oo dib gacanta Wasaaradda loogu soo celiyo Xarunta Lr.2 ee Taleefanada Dalka, si deg deg ah ayaa loo billaabi doono Adeeggii ay u qaban jirtay dadweynaha Soomaaliyeed” ayuu yiri Mudane Jaamac.
Tan iyo markii xilka la wareegay Wasiir Jaamac Xasan Khaliif waxa uu shaqooyinka hortabinta leh ku daray Qorshaha dib loogu soo celinayo xarumaha iyo hantida Wasaaradda.