Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Diblomaasiyiinta Ka Howl Gala Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Tababar Loo Furay. SAWIRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Diblomaasiyiinta Ka Howl Gala Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Tababar Loo Furay. SAWIRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa manta tababar ku saabsan diblomaasiyadda u qabatay kudhawaad 20 qofoo ka mid diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howl gala safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Tababarkaan oo socon doona laba toddobaad waxaa kaqeyb galaya Qunsulka safaaradda Cali Maxamed Sheekh,  xoghayeyaasha safaaradda, u qeybsanayaasha wasaaradaha ee ka howl gala safaaradda, shaqaalaha waaxda socdaalka iyo saraakiisha xafiiska safiirka.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Danjire ku xigeenka safaaradda ahna qunsulka 1aad, Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo furay tababarkaan ayaa sheegay in ay wax badan kafaa’iideysan doonaan shaqaalaha sare ee ka howl gala safaaradda.

“Muddo ayaan diyaarinaynay tababarkaan, ujeedkiisuna waa in diblomaasiyiintu kororsadaan casharro ku saabsan shaqadooda, waamarkii labaad oo aan sameyno tababar noocaan ah, waxaaan rajaynayaa in wax badan uu ku kordhiyo howlaha aan dalka u hayno”ayaa uu yiri Maxamed Amiin.

Dr. IbraahimFaaraxBursaliid, oo ah la taliyahasafaaraddaSoomaaliyaeedalka Kenya oo bixinaya tababarkaan ayaa yiri “Hadafka tababarkani waa in awoodda shaqo ee dimlomaasiyiinta safaaradda kor loo qaado iyo  in lagu wacyi geliyo arrimaha caalamka iyo gobolkaba, ayada oo loo fiirinayo danta iyo maslaxadda dalka”.

Waxa uu intaa ku daray in tababarkaani uu ku baraarujinayo dimlomaasiga kaalintii sasafaaradda dhexdeeda,  arrimaha dibadda iyo metelaadda guud ee dalka”.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa tababar noocaan oo kale ah u qabatay diblomaasiyiinta safaaradda sanadkii la soo dhaafay. Sidoo kale waxa ay qabandoonaa kuwo kale sida ay sheegeen saraakiisha safaaraddu.

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhiirigilinta maalgashiga Soomaaliya, ayaa sanadihii la soodhaafay ku howlanayd sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo shaqada diblomaasiyiinta ka howl gala safaaradaha iyo howl-gallada dibadda, si loo xoojiyo adeegga loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo cilaaqaadka dalka kala dhaxeeya caalamka.

IMG_5293 IMG_5285 IMG_5284 IMG_5275 IMG_5269 IMG_5256

Previous Post

Gudoomiyaha Jaamacada Calamiga ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd “Soomaaliya ma ahan Sida ay warbahnta dunida wax uga Gudbiso” SAWIRO

Next Post

Dhismaha Maamulka Deegaanka Ceeldibir oo lagu guuleeysatay ‘Sawiro’

Next Post
Dhismaha Maamulka Deegaanka Ceeldibir oo lagu guuleeysatay ‘Sawiro’

Dhismaha Maamulka Deegaanka Ceeldibir oo lagu guuleeysatay ‘Sawiro’

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In