Monday, June 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Diblomaasiyiinta Ka Howl Gala Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Tababar Loo Furay. SAWIRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 5, 2016
in Wararka
0
Diblomaasiyiinta Ka Howl Gala Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Tababar Loo Furay. SAWIRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa manta tababar ku saabsan diblomaasiyadda u qabatay kudhawaad 20 qofoo ka mid diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howl gala safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Tababarkaan oo socon doona laba toddobaad waxaa kaqeyb galaya Qunsulka safaaradda Cali Maxamed Sheekh,  xoghayeyaasha safaaradda, u qeybsanayaasha wasaaradaha ee ka howl gala safaaradda, shaqaalaha waaxda socdaalka iyo saraakiisha xafiiska safiirka.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

Danjire ku xigeenka safaaradda ahna qunsulka 1aad, Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo furay tababarkaan ayaa sheegay in ay wax badan kafaa’iideysan doonaan shaqaalaha sare ee ka howl gala safaaradda.

“Muddo ayaan diyaarinaynay tababarkaan, ujeedkiisuna waa in diblomaasiyiintu kororsadaan casharro ku saabsan shaqadooda, waamarkii labaad oo aan sameyno tababar noocaan ah, waxaaan rajaynayaa in wax badan uu ku kordhiyo howlaha aan dalka u hayno”ayaa uu yiri Maxamed Amiin.

Dr. IbraahimFaaraxBursaliid, oo ah la taliyahasafaaraddaSoomaaliyaeedalka Kenya oo bixinaya tababarkaan ayaa yiri “Hadafka tababarkani waa in awoodda shaqo ee dimlomaasiyiinta safaaradda kor loo qaado iyo  in lagu wacyi geliyo arrimaha caalamka iyo gobolkaba, ayada oo loo fiirinayo danta iyo maslaxadda dalka”.

Waxa uu intaa ku daray in tababarkaani uu ku baraarujinayo dimlomaasiga kaalintii sasafaaradda dhexdeeda,  arrimaha dibadda iyo metelaadda guud ee dalka”.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa tababar noocaan oo kale ah u qabatay diblomaasiyiinta safaaradda sanadkii la soo dhaafay. Sidoo kale waxa ay qabandoonaa kuwo kale sida ay sheegeen saraakiisha safaaraddu.

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhiirigilinta maalgashiga Soomaaliya, ayaa sanadihii la soodhaafay ku howlanayd sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo shaqada diblomaasiyiinta ka howl gala safaaradaha iyo howl-gallada dibadda, si loo xoojiyo adeegga loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo cilaaqaadka dalka kala dhaxeeya caalamka.

 

IMG_5293 IMG_5285 IMG_5284 IMG_5275 IMG_5269 IMG_5256

Previous Post

Gudoomiyaha Jaamacada Calamiga ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd “Soomaaliya ma ahan Sida ay warbahnta dunida wax uga Gudbiso” SAWIRO

Next Post

Dhismaha Maamulka Deegaanka Ceeldibir oo lagu guuleeysatay ‘Sawiro’

Next Post
Dhismaha Maamulka Deegaanka Ceeldibir oo lagu guuleeysatay ‘Sawiro’

Dhismaha Maamulka Deegaanka Ceeldibir oo lagu guuleeysatay ‘Sawiro’

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In