Thursday, June 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Jaamacada Calamiga ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd “Soomaaliya ma ahan Sida ay warbahnta dunida wax uga Gudbiso” SAWIRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 5, 2016
in Wararka, Xulashada
0
Gudoomiyaha Jaamacada Calamiga ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd “Soomaaliya ma ahan Sida ay warbahnta dunida wax uga Gudbiso” SAWIRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socday Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo dhorkii malamood ee la soo dhaafay ku suganaa Dalka Suudaan ayaa la kulmay Maamulka iyo Ardayda Jaamacadda Calamiga ee Africa magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan.

Wafdigan oo uu horkacayo Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha Dibadda iyo Xariirka Caalamiga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdiqadir Cosoble ayna xubno ka yihiin gudoomiye ku xigeenka Gudiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Profossor Maxamed Cumar Dalxa iyo Gudoomiyaha Guddi hoosaadka xariirka Yurub u qaabilsn gudiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Cabdiraxman Aadan Ibbi ayaa kulanka ay la yeesheen Maamulaha Jaamacadda kala hadlay sida ay Jaamacadda Afrika ay muhiim ugu tahay dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025

Madaxa Wafdiga Cosoble ayaa u sheegay maamulka in ay jiraan arday fara badan ah oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Afrika oo xiligan ka mida ah kuwa dhalinyarada soomaaliyeed ee dalka ka shaqeysta, oo ay ka mid yahiin kuwa xilala sarsare ka haya Dalka.

Gudoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd oo dhawaan tagay magaalada Muqdisho halkaasna shir kaga soo qayb galay ayaa sheegay in Soomaaliya uu kusoo arkay horumar wayn oo aysan ahayn Soomaaliya sida warbahinta wax ugu soo gudbiso.

Gudoomiyaha ayaa ku daray in la waydiiyay nabadda Soomaaliya uuna u sheego dadka xiligan in Muqdisho iyo Paris xiligan Muqdisho nabad badan tahay Sida uu ku soo arkay .

Kamaal Cubayd ayaa ugu dambeyntii sheegay in Jaamacadda Afrika asalkeeda loo sameeyay in Ardayda Muslimiinta ah lagu waxbaro si ay wadamadooda u anfacaan Soomaalidana si gaar ah uga faa’idaysteen fursadaas.

Sidoo kale Wafdiga ayaa kulan la qaatay Arday wax ka barata jaamacaddaas si ay iyagana waxii cabasho ah ama amaan ah wafdiga u gudbiyaan iyagoo halkaasna ardaydu aad ugu mahadnaqday Dowladda Suudaan si guud gaar ahaana Maamulka jaamacadda oo si wanaagsan ula dhaqma.

Dhankooda wafdiga ayaa uga sheekeeyay xaalka dalka uu marayo iyo qaabka xiligan fursado u heli karaan dhamaan ardayda waxbaratay iyo horumarka la gaaray ee xiligan dowladooda ku tilaabsatay.

kulamadaas jaamacadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo uu horkacayay Lataliyaha koowaad Ibrahin Guure Maxamed oo xiligan ah siihayaha Safaaradda iyo Fiidow Maxamuud Fiidow oo ah u qaybsahana Warfaafinta Safaaradda.

IMG_2267 IMG_2262 IMG_2259 IMG_2254 IMG_2251 IMG_2250 IMG_2248 IMG_2243 IMG_2309 IMG_2296 IMG_2277 IMG_2275 IMG_2272

Suudaan : Yuusuf Kahmiir

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo saaka u ambabaxay Dalka Ethiopia

Next Post

Diblomaasiyiinta Ka Howl Gala Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Tababar Loo Furay. SAWIRO

Next Post
Diblomaasiyiinta Ka Howl Gala Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Tababar Loo Furay. SAWIRO

Diblomaasiyiinta Ka Howl Gala Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Tababar Loo Furay. SAWIRO

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay Shirka Gogosha...

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025
0

Ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib howlgal qorsheysan...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In