Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Jaamacada Calamiga ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd “Soomaaliya ma ahan Sida ay warbahnta dunida wax uga Gudbiso” SAWIRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Gudoomiyaha Jaamacada Calamiga ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd “Soomaaliya ma ahan Sida ay warbahnta dunida wax uga Gudbiso” SAWIRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socday Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo dhorkii malamood ee la soo dhaafay ku suganaa Dalka Suudaan ayaa la kulmay Maamulka iyo Ardayda Jaamacadda Calamiga ee Africa magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan.

Wafdigan oo uu horkacayo Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha Dibadda iyo Xariirka Caalamiga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdiqadir Cosoble ayna xubno ka yihiin gudoomiye ku xigeenka Gudiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Profossor Maxamed Cumar Dalxa iyo Gudoomiyaha Guddi hoosaadka xariirka Yurub u qaabilsn gudiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Cabdiraxman Aadan Ibbi ayaa kulanka ay la yeesheen Maamulaha Jaamacadda kala hadlay sida ay Jaamacadda Afrika ay muhiim ugu tahay dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026

Madaxa Wafdiga Cosoble ayaa u sheegay maamulka in ay jiraan arday fara badan ah oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Afrika oo xiligan ka mida ah kuwa dhalinyarada soomaaliyeed ee dalka ka shaqeysta, oo ay ka mid yahiin kuwa xilala sarsare ka haya Dalka.

Gudoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd oo dhawaan tagay magaalada Muqdisho halkaasna shir kaga soo qayb galay ayaa sheegay in Soomaaliya uu kusoo arkay horumar wayn oo aysan ahayn Soomaaliya sida warbahinta wax ugu soo gudbiso.

Gudoomiyaha ayaa ku daray in la waydiiyay nabadda Soomaaliya uuna u sheego dadka xiligan in Muqdisho iyo Paris xiligan Muqdisho nabad badan tahay Sida uu ku soo arkay .

Kamaal Cubayd ayaa ugu dambeyntii sheegay in Jaamacadda Afrika asalkeeda loo sameeyay in Ardayda Muslimiinta ah lagu waxbaro si ay wadamadooda u anfacaan Soomaalidana si gaar ah uga faa’idaysteen fursadaas.

Sidoo kale Wafdiga ayaa kulan la qaatay Arday wax ka barata jaamacaddaas si ay iyagana waxii cabasho ah ama amaan ah wafdiga u gudbiyaan iyagoo halkaasna ardaydu aad ugu mahadnaqday Dowladda Suudaan si guud gaar ahaana Maamulka jaamacadda oo si wanaagsan ula dhaqma.

Dhankooda wafdiga ayaa uga sheekeeyay xaalka dalka uu marayo iyo qaabka xiligan fursado u heli karaan dhamaan ardayda waxbaratay iyo horumarka la gaaray ee xiligan dowladooda ku tilaabsatay.

kulamadaas jaamacadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo uu horkacayay Lataliyaha koowaad Ibrahin Guure Maxamed oo xiligan ah siihayaha Safaaradda iyo Fiidow Maxamuud Fiidow oo ah u qaybsahana Warfaafinta Safaaradda.

IMG_2267 IMG_2262 IMG_2259 IMG_2254 IMG_2251 IMG_2250 IMG_2248 IMG_2243 IMG_2309 IMG_2296 IMG_2277 IMG_2275 IMG_2272

Suudaan : Yuusuf Kahmiir

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo saaka u ambabaxay Dalka Ethiopia

Next Post

Diblomaasiyiinta Ka Howl Gala Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Tababar Loo Furay. SAWIRO

Next Post
Diblomaasiyiinta Ka Howl Gala Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Tababar Loo Furay. SAWIRO

Diblomaasiyiinta Ka Howl Gala Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Tababar Loo Furay. SAWIRO

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
0

Wafdi uu Hoggaaninayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa socdaal ku maraya deegaano iyo...

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

July 24, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda...

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In