Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dimoqraadiyiinta oo bilaabay maamus ka xayuubinta Trump

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Dimoqraadiyiinta oo bilaabay maamus ka xayuubinta Trump
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xubnaha dimoqraadiga ee ku jira golaha wakiilada Mareykanka ayaa bilaabay in ay maamus ka xayuubin ku sameeyaan madaxweyne Trump, isagoo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay rabshadihii ka dhacay aqalka Capitol Hill ee baarlamaanka ku shiraan.

Haddii talaabadan dhaqan gasho madaxweyne Trump wuxuu noqon doonaa madaxweynihii labo jeer maamulka ay ka qaadeen golaha wakiilada.

Related posts

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shirka Amniga oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shirka Amniga oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026

Kumanan kamid ah taageeriyaasha Trump ayaa gudaha u galay xarunta Capitol Hill xilligaas ay ka socotay kulan wadajir ah oo labada aqal ku ansixinayeen guusha madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

Rabshadahaas ka dib, afhayeenka aqalka wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa sheegtay in dhammaan xildhibaanada xisbigeeda iyo qaar kamid ah mudanayaasha xisbiga jamhuuriga qabaan in Trump lagu sii aamini karin xafiiska inta ka harsan muddo xileedkiisa oo ku eg 20 bishan Janaayo.

Kulanka maanta golaha yeesheen waxay soo saarayaan wax ka bedelka qodobka 25 aad ee dastuurka kaas oo sheegaya in madaxweyne ku xigeenka uu xilka kala wareego madaxweynaha haddii uu diidana golaha waxay ka doodi doonaan maamus ka xayuubinta Arbacada soo aadan.

Afhayeenka congresska ayaa sheegtay in kulanka uu ka soo qeybgali doono madaxweyne ku xigeenka Mike Pence.

Dadka ka faalooda siyaasadda Mareykanka waxay leeyihiin, in madaxweyne sagaal cisho uga harsan tahay muddo xileedkiisa maamuska laga xayuubo ma ahan wax sidaas u weyn, laakiin haddii arrintan dhaqan gasho madaxweyne Trump ayay ka hor istaagi doontaa in uu isu soo sharaxo doorashada sanadka 2024.

Previous Post

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya oo maanta xafiiskiisa ku qaabiley duqa Muqdisho +Sawirro

Next Post

Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay madaxda warbaahinta +Sawirro

Next Post
Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay madaxda warbaahinta +Sawirro

Ra'iisul wasaare Rooble oo la kulmay madaxda warbaahinta +Sawirro

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ay si taxaddar leh uga fuliyeen duleedka degmada Afgooye...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shirka Amniga oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shirka Amniga oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood. Shirka...

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

January 14, 2026
0

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyagoo muujinayay dareenkooda ka dhanka ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

January 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir muhiim ah oo u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In