Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Diyaar garowga shirka New Deal-ka ee berri ka furmaya Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Diyaar garowga shirka New Deal-ka ee berri ka furmaya Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Maalinta barri  ah waxaa magalaadda Muqdisho ka furmaya shir calami ah oo looga hadali doono dardar galinta barnamijka  New Deal-ka  iyo guulaha dowladda Soomaliya ay  ka gaartay dhinacyadda Siyaasadda, amniga, hormarinta dalka  iyo suurta galnimadda in dalka Soomaliya ay ka dhacdo doorasho sanadka 2016-ka.

Dowladda soomaliya ayaa  wada  diyaar garow ku aaddan  marti galinta shirkaas oo lagu qaban jiray dalka dibaddiisa, isla markaana ay ka qayb galayaan  wakiillo matalaya beesha calamka.

Ra’iisal-wasaare ku xigeenka xukumadda Soomaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta  kormeer  ku tagay xarunta lagu qabanayo, Dowladda ayaa sameysay xarun gaar ah oo shirka lagu qaban doono, taas oo ku taalla xarunta ciidanka cirka ee Afisiyooni. Oo ku dheggan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiirka  qorsahynta iyo iskaashiga calamiga ah ee xukumadda Soomaliya Mudane CabdiraxmaanYuusuf Caynte ayaa Radio Muqdisho u sheegay in shirkani uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dhaqan gelinta mashaariicda ay midowga Yurub ballan qaadeen ee New Deal iyo arrimo kale.

“Shirkaan  ayaa ah kii ugu horreeyey ee heerkan   ah oo lagu qabto Soomaliya, kaa oo looga hadalayo  barnamijka  New Deal-ka  ee looga dhawaaqay Brussels 2013kii,    kaa oo micnahiisu  ahaa maaraynta deeqaha dowladda Soomaliya ay caalamka ka hesho iyo  xoojinta geeddi socodka waxa loogu yeero Hiigsiga cusub ee Soomaliya” ayuu yiri Wasiir Ceynte.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nekolas Key ayaa guddoomin doona shirkaan oo ay ka soo qeyb galayaan dowlado iyo wakiilo ka socda caalamka.

Previous Post

NATO oo ka shiraya xaaladda xadka Siiriya iyo Turkiga

Next Post

Marwada madaxweynaha oo xarun u sameysay carruurta waddooyinka ku nool

Next Post
Marwada madaxweynaha oo xarun u sameysay carruurta waddooyinka ku nool

Marwada madaxweynaha oo xarun u sameysay carruurta waddooyinka ku nool

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In