Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

NATO oo ka shiraya xaaladda xadka Siiriya iyo Turkiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka Raadiyahaa
0
NATO oo ka shiraya xaaladda xadka Siiriya iyo Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan deg deg ah oo ay yeelanayaan xubno ka socda 28-ka dowladood ee ku mideysan NATO ayaa looga hadlayaa ololaha ka dhanka ah kooxda Daacish iyo Mintidiin ka soo jeeda Kurdiyiinta, kaasoo ay dowladda Turkigu ka wado xadka ay la wadaago Siiriya.

Kulanka oo ay ku dhawaaqday dowladda Turkigu ayaa looga gol leeyahay in wax looga bedelo howlgalka iyo qalalaasaha ka aloosan xadka labada dal ee Siiriya iyo Turkiga.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

April 12, 2025
Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

April 12, 2025

Turkiga oo horay uga madax-adeygay siyaasadda Xulufada uu hogaamiyo Mareykanku ayaa diyaaradiisa dagaalku waxaa ay weeraro ka fuliyeen dhowr goobood oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Daacish ee ka dagaalama gudaha Siiriya.

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga aya sheegay inuu ka rajeynayo xulufada dalkiisa inay muujiyaan isfaham iyo taageero lagu xoojinayo sida ay dowladda Turkigu uga go’antahay inay wiiqdo awoodda Daacish.

Dadka daraaseeya siyaasadda ayaa sheegaya in weerarada Turkiga ee ka dhanka ah Daacish ay ka caawineyso bururinta saldhigyo ay leeyihiin kooxda PKK ee Kurdiyiinta .

Dowladda Turkiga ayaa aaminsan jirin farqi u dhaxeya Jabhadda PKK iyo Daacish, isla markaana ay yihiin kooxo Argagixiso.

Duqeymo dhicana cirka ah oo ciidamada cirka ee Turkigu ka fuliyeen xadka Siiriya ilaa Jimcihii ayaan ahayn kuwo lagu bartilmaameedsanay Daacish oo kaliya, balse waxaa kale oo lagu wiiqayay awoodda dagaal-yahaniinta Kurdiyiinta ee ka dagaalama Siiriya iyo Ciraaq.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Police-ka dalka Turkiga ayaa sheegay inay ilaa todobaadkan xabsiga dhigeen in ka badan 1,000 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Daacish iyo PKK.

Ugu dambeyn dowladda Turkiga ayaa muddo lagu qancinayay in ogolaato saldhigyo looga duulo daacish oo xulafada uu hogaaminayo Mareykanku ka sameystaan gudaha Turkiga. Waxaana lagu wadaa in kulankan ay ka soo baxaan go’aamo ku aadan is kaashi buuxa oo dhex mara Turkiga iyo isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanku.

Previous Post

Liibiya: Wiil uu dhalay Qadaafi oo dil lagu xukumay

Next Post

Diyaar garowga shirka New Deal-ka ee berri ka furmaya Muqdisho

Next Post
Diyaar garowga shirka New Deal-ka ee berri ka furmaya Muqdisho

Diyaar garowga shirka New Deal-ka ee berri ka furmaya Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In